Madaxweynaha Ugandha Museveni oo dallacsiiyay wiilkiisa!!

Madaxweynaha dalka Ugandha, Yoweri Museveni ayaa wiilkiisa curadka ah dallacsiiyay, wuxuuna ka dhigay lataliyaha gaarka ah ee madaxtooyada, kadib isku shaandheen uu ku sameeyay ciidamada.

Gaashaanle Sare Muhoozi Kainerugaba, ayaa si xowli ah sare uGu dhex dalacay ciidamada militariga dhexdooda dhowrkii sano ee la soo dhaafay.

Waxaa jiro hadallo la isla dhexmaraayo oo ah in loo diyaarinaayo inuu qabto xilka madaxweynaha ee Ugandha kadib marka aabihiisa uu ka dego ama uu ka dhinto xilkaas.

Dadka falanqeeya siyaasaddda waxay sheegayaan in shaqadaas cusub ee loo dhiibay ee ah inuu ka shaqeeyo madaxtooyada ay sare u qaadeyso khibradiisa.

Museveni, oo 72 sano jir ah, waxa uu kamid yahay madaxweynayaasha Afrika ee muddada dheer maamul kasoo haya Dalkaas ugaandha.

Comments

comments