Doorashada Guddoomiye Kuxigeenada Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta lagu qabanaayo Xamar!

Maanta oo Khamiis ah Magaalada Muqdisho waxaa ka dhici doonta Doorashada Guddoomiye Kuxigeenka Koowaad iyo Labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Illaa 16 Musharax ayaa u Taagan Qabashada Guddoomiye Kuxigeenka Koowaad iyo Labaad ee Baarlamaanka Cusub ee Soomaaliya,waxaana si weyn  loo adkeeyay Ammaanka inta badan Magaalada Muqdisho.
Shalay waxaa Muqdisho lagu doortay .Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Afarta sano ee soo socota waxaana loo Magacaabay Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Waxaa goordhaw la filayaa in xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho si toos ah uga bilaabato doorashada Gudoomiye kuxigeenada Baarlamaanka 10-aad ee Federaalkka Soomaaliya .

Doorashada maanta ayaa ah mid aad u adag , waxaana Musharaxiinta tartameysa qaarkood wata isbaheysiyo iyo siyaasiyiin saameyn badan ku leh Xuldhibaanada Baarlamaanka ee la filayo in ay maanta wax doortaan.

Labo kamid ah Musharaxiinta u taagan Xilka Gudoomiye kuxigeenka koowaad ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa si weyn loo saadaalinayaa in midkood kusoo baxo Doorashada, waxaana labadan Musharax oo kasoo jeeda Beesha Reer Awxasan ay yihiin kuwa saameyntooda muuqato.

Xildhibaan Faarax Sheekh C/Qaadir: Waxaa xildhibaan si weyn looga dhax bartay Siyaasada afartii sano ee lasoo dhaafay, waxaana Musharaxan taageero badan ka helayaa Kooxda Damul Jadiid oo la rumueesan yahay in Baarlamaanka cusub ay saameyn badan ku leeyihiin.

Faarax ayaa sidoo kale la sheegayaa in maanta tijaabo u noqon doono Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya gaar ahaan Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta la ogaan doono tirada codadka ay ku dhax leeyihiin Baarlamaanka cusub.

Dadka Siyaasada Falanqeeya ayaa aaminsan hadii doorashada maanta si fudud ugu guuleesto Faarax ay muuqaneyso in Madaxweyne Xasan Sheekh isna sahal kusoo laaban doono, hadiisa Faaraxa maanta xaalka ku xumaado ayaa iyana culees uu sioo wajihi karaa Madaxweyne Xasan.

Doorashada maanta dhaceysa ayaa ah mid ka adag tii shalay lagu dooranayay Gudoomiyaha, waxaana Xildhibaano badan ay kasoo horjeedaan Siyaasada Faaraxa C/Qaadir iyo kooxda uu katirsan yahay ee Damul Jadiid halka kuwa kalana ay taageersan yihiin.

Comments

comments