Maraykanka oo ciidan geeyay Poland!!

Saddex kun oo askar Maraykanka ah ayaa gaaray dalka Poland, si ay qeyb uga noqdaan ciidammada NATO ee ilaalinaya soohdimaha bari ee gaashaanbuurtaasi.
In ka badan 80 taangi iyo boqolaal gawaarida gaashaaman ah ayaa qeyb ka ah howlgalkan, oo lagu tilmaamay kii ugu ballaarnaa ee uu Maraykanka sameeyo tan iyo dhammaadkii dagaalkii qaboobaa.
Madaxweyne Obama ayaa doonaya in uu u xaqiijiyo xulafadiisa NATO, in Maraykanka uu garab taagan yahay si ay uga hortagaan waxa ay u arkaan daandaansiga Ruushka.
Daabullida ciidankaasi ayaa dhacaysa maalmo ka hor dhaarinta madaxweynaha la doortay Donald Trump, kaasoo tilmaamay in uu doonayo wanaajinta xiriirka Maraykanka iyo Ruushka.
Jenaraal James Mattis, oo ah ninka uu Trump u magacaabay xoghayaha difaaca, ayaa la filayaa in maanta uu golaha Senate hor yimaado, waxaana ay u badan tahay in wax laga weydiiyo siyaasaddiisa ku aaddan Ruushka.

Comments

comments