War Deg Deg Ah : Doorashada Gudoomiye kuxigeenada Baarlamaanka oo bilaabatay & Xildhibaanada oo hal mar uwada codaynaaya!

Waxaa goordhaw xarunta golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho ka bilaabatay doorashada Gudoomiye kuxigeenka koowaad iyo kan labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya ay maanta ku tartamayaan Musharaxiin dhoor ah.

Doorashada Gudoomiye kuxigeenka Koowaad iyo tan labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya oo ah mid adag ayaan wali la saadaalin karin xubnaha kusoo bixi doona, waxaana saacadihii lasoo dhaafay socday olole xoogan ay wadeen Musharaxiinta.

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa hal mar u wada codeenaya Doorashada Gudoomiye kuxigeenka koowaad iyo kan labaad, waxaana Xildhibaan kasta uu qaadanayaa labo warqadood uu ugu codeenayo Musharax uu u dooranayo Gudoomiye kuxigeenka koowaad iyo kan labaad.

Guddiga qaban qaabada Doorashada Gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in Doorashada wareega koowada uu ku guuleesan doono Musharxii hela codad gaaraya … hadii la waayana waxaa wareega labaad u gudbi doona kuwa codadka ugu badan hela.

Mushartaxiinta tartameysa ayaa kala ah

Gudoomoye kuxigeenka Koowaad waxaa u tartamaya Lix Musharax:

1-Xildhibaan Cabdiweli sheikh Ibrahim Muudey

2-Xildhibaan Faarax Sheekh Cabdiqadir

3-Xildhibaan Jeylaani Nur Ikar

4-Xildhibaan Khadija Maxamed Diiriye

5-Xildhibaan Khalid Macow Cabdiqadir

6-Xihibaan Saciid Xuseen Ciid

Gudoomiye kuxigeenka labaad waxaa u tartamaya

1-Cabdulkadir Sh. Cali Baqdaadi

2-Mahad Cabdalla Cawad,

3-Burhaan Aden Cumar,

4-Cabdulahi Xusen Cali,

5-Cabdiweli Maxamed Qanyare,

6-Xuseen Cabdi Cilmi,

7-Cabdulahi Godax Barre,

8-Cilmi Maxamed Nuur,

9-Cabdiraxmaan Aden Ibarhim

10-Maryan Axmed Harun.

Comments

comments