Wareega Labaad Ee Doorashada Guddoomiye Kuxigeenka Baarlamaanka oo loo gudbay!!

Waxaa Hadda soo dhamaatay Codeynta Wareega Koowaad Ee Doorashada Guddoomiye Kuxigeenka baarlamaanka Soomaaliya,waxaana loo gudbi doonaa Wareega Labaad.
Musharaxiinta kala ah  C/weli Sheekh Ibraahin  Muudeey oo Wareega Koowaad helay 111 Cod, Faarax Sheekh C/qaadir oo helay 94 Cod, iyo Khadiija Maxamed Diiriye oo heshay 27 Cod ayaa la filayaa in ay u Gudbaan Wareega Labaad.
Sidoo kale Musharaxiinta kala ah Saciid xuseen  Ciid oo helay 17, Khaalid Mocow oo helay 7 Cod iyo  Jeylaani Nuur Iikar  helay Afar Cod ayaa ka mid ahaa Musharaxiinta Tartamay.

Comments

comments