Xildhibaan Cabdweli Ibraahim Muudeey oo loo doortay guddoomiye ku xigeenka 1aad ee baarlamaanka!

Xildhibaan Cabdweli Sheekh Muudey ayaa ku guuleystey doorashada guddoomiye ku xigeenka 1aad ee baarlamanka kadib markuu wareegii labaad ee tartanka doorashada uu ka helyay codad gaaraya 163 halka musharixii la tartamayay Faarax Shiikh Cabdiqaadir uu helay codad gaaraya 93 cod halka uu 1 cod uu xumaaday Farax oo lasaadaalinaayay ayaa galay kaalainta labaad sidaas ayaana looga guulaystay.

Wareegii hore ee doorashada ayuu xildhibaan Muudey uu helyay codad gaaraya 111 cod, waana markii labaad ee uu noqdo guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Baarlamaanka Soomaaliya. Sanadkii 2010-2012 ayuu noqday guddoomiye ku xigeenka 1aad ee baarlamaanka.

Tartanka doorashada guddoomiye ku xigeenka 1aad ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa ku tartamay lix musharax iyadoo afartii musharax ee ugu horeysay ay labo kamid ah ay ka tanaasuleen inay u tartamaan wareega labaad.

Taariiq Nololeedkii Xildhibaan Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey oo kooban
Cabdiweli Muudey wuxuu ku dhashay qoryooley sanadkii 1964-tii, Waxaa uu ka qalin jabiyay Machadka SIMAD 1988-dii, shaqadiisa waxaa ugu muhiimsanaa 2004-tii waxaa uu kamid noqdey Xildhibaannada dowladdii KMG aheyd, 2010-2012 waxaa uu ahaa guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee baarlamaanka 2012-kii Xildhibaan ayuu markale noqdey, waxaa kaloo uu qabtey wasiirka wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha

Comments

comments