Baarlamaanka Nigeria oo taageeray in megengelyo la siiyo madaxweynaha Gambia!!

Xildhibaanada Nigera ayaa codkooda ku taageeray in madaxweyne Yaxma Jammeh la siiyo megengelyo, haddii uu aqbalo in awoodda uu si nabad ah ku wareejiyo.
“Saacadda si xowli ah ayey ku socotaa”, hadaba dadaalka lagu xallinayo qalalaasaha Gambia waa in la xoojiyaa, ayey sheegeen xildhibaanada.
Madaxweynaha Nigeria, Muhammadu Buhari ayaa la filayaa inuu maanta oo Jimcaha gaaro Gambia.
Dadaalkiisa ayaa loogu talagalay in lagu fududeeyo heshiis lala gaaro Yaxya Jammeh, si dalkaasi uusan qalalaaso uga dhicin.
Xafiiska madaxweyne Buhari weli ka muusan hadlin codeynta baarlamaanka.
Hogaamiyaha mucaaradka ee xilka ku guuleystay, Adama Barrow, wuxuu ku adkeysanayaa in 19-ka bishan uu noqonayo madaxweynaha dhabta ah.

Comments

comments