Kooxda Xamaas oo la soo baxday xeelad cusub oo ay ku basaaseyso ciidamada Yuhuuda!!

Saraakiisha Milateriga Yuhuuda ayaa askartooda uga baaqay inay taxadar badan ka muujiyaan isticmaalka telefanadooda gacanta ka dib markii la ogaaday in Ururka Xamaas ee Falastiiniyiin ah ay lasocdeen dhaqdhaqaaqa dhowr ciidan oo Yahuud ah.

Sirdoonka Yuhuuda ayaa sheegay in tobanaan askari lagu siray shukaansi been abuur ah baraha internet-ka ah oo ay ka dambeeyeen xubno ka tirsan ururka Xamaas.

Milateriga Israa’iil ayaa baahiyay video kooban oo askarta uga digaya khatarta ay ku wajihi karaan baraha ay bulshada ku wada xiriirto.

Waxaa Muuqaalkaas laga daawaday askari barta Facebook ku bartay haweeney qurux badan, ka dibna ay u sheegeyso inuu soo degsado barnaamij telefoonka gacanta lagu shubto si ay ugu wada hadlaan.

Barnaamijka ayaa u muuqda mid aan shaqeyneyn, balse u sahlaya kooxaha macluumaadka dhaca inay la wareegaan kaamerada iyo Makarafoonka telefoonka lagu shubay si ay ula socdaan xogta askarigaas una dhegeystaan dadka uu la hadlayo.

Xamaas ayaa waxay ka talisaa magaalada ee gali´waayeen Ciidanka Yahuuda, Ciidanka Marekanka, Ciidanka Sacuudiga iyo Ciidanka Masaarida.

Magaaladaas oo magaceeda ladhaho Gaza oo ay ka taliyaan Xamaaz Falastiinin ah.

kuwaas ´falalka Argagaxiso Kuma kacaan waxay ubadan yihiin in ee Daagaal dhulka dhulqadasho iyo dagaal waji kawaji ee lagalaan Yahuuhada dhulkooda haysato waxaana dhaxdooda ka mamnuuc ah in ee is qarxiyaan sida Shalbaab iyo Daacish sameeyaan ma sameeyaan iyaga.

Comments

comments