In ka badan 90-Xildhibaan oo la sheegay in ay Midoobeen iskuna raaceen Hal qorshe!!

Magaalada Muqdisho waxaa ka socda ololaha ay wadaan Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, waxaana magaalada ka socda Olole xoogan oo lagu kala jiidanayo Xildhibaanada.

Qaar badan oo kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa isku uruursanaya koox koox si ay heshiisyo ula garaan Musharaxiinta ay u arkaan in Xilka Madaxweynaha Mudan yihiin, Waxaana Xildhibaanada badi yihiin kuwa gor gortan ugu jira codkooda.

Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig oo looga adkaaday doorashadii Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in ay midoobeen Xildhibaano gaaraya 99-Xildhibaan oo katirsan Aqalka hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Xidig ayaa tilmaamay in Xildhibaanadan u midoobeen hal qorshe oo ah in ay ka shaqeeyaan isbadal ku yimaada Hogaanka dalka gaar ahaan Madaxweynaha, waxa uuna sheegay in Xildhibaanadan yihiin kuwa isku xiran oo doonaya in uu yimaado isbadal muuqda.

Waxa uu xusay Xildhibaan Xidig in Xildhibaanadan u midoobeen sidii ay uga shaqeyn lahaayeen isbadal dhab ah oo ku yimaada Hogaanka sare, waxa uuna intaa raaciyay in codkooda ugu hiilinayaan shacabka Soomaaliyeed ay matalaan.

”Mar hadii Isbadal ku yimid Baarlamaanka waa lama hurana in isbadal kale uu dhacaa , wadanka waxa uu u baahan yahay isbadal muuqda oo ku yimaada , waxaana isku baheesanay sidii aan uga shaqeyn laheyn isbadal ku yimaada Hogaanka dalka ” Ayuu yiri Xildhibaan Xidig.

Xildhibaanadan sheegay in ay midoobeen ayaa ahaa Xildhibaanadii codka siiyay C/Rashiid Xidig markii uu ku jiray tartanka Gudoomiyaha Baarlamaanka, waxaana Xildhibaanadan u badan yihiin kuwa ku shaqeeya Siyaasada Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Comments

comments