Daawo Faysal Waraabe “Gaaladu Nama xukumaan, Xamar ayay 30% ka dhigaan Dumar, Doorasho ma dhacayso (MUUQAAL!

Faysal Cali Waraabe oo maanta Warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeisa ayaa wuxuu sheegay inaysan Marnaba Dhici Doonin Doorashada madaxwayne ee maamulka Somaliland, iyadoo Ay Jirto Abaari, Wuxuuna sidoo kale sheegay in dalalka Caalamka ee Dabada ka riixaya Arintaasi ay dantooda eegayaan ” Gaaladu waxay wataan Diimuqraadiyadda dalkooda, Laakiin inagu waxaynu Wadnaa Danta dalkeena “. Ayuu yidhi Faysal.

Aritaan ayaa waxay kusoo aadaysaa xilli leesku beegay Doorashada Soomaaliya iyo Abaaraha Dadkii Soomaaliyeed xoolo kalaaysay

Muuse Biixi Cabdi ayaa la sheegay inuu isugu doonayo In Doorashadu dhacdo, Isagoo Isku Arka inuu yahay Musharaxa Badali doona Axmed Siilaanyo, Laakiin waxaa taasi ka hor yimid Labada Xisbi ee ay Hogaamiyaan Faysal Waraabe iyo C.raxmaan Cirro oo doonaya in dib loo dhigo.

Sidoo kale wuxuu sheegay inaysan Wax Amar ah ka Qaadan doonin dalalka Taageera maamulka Somaliland ” Gaaladu Anaga Nama Xukumaan, Gacan ayay Nagu Leeyihiin, Ma Xamar ayay Na Moodeen, Xamar ayay dhahaan 30% ka dhiga Dumar, Cidna Marti uma Nihin “. Ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.

Comments

comments