Hogaamiyaasha Berri ayaa halkaan wax kubarta tusaale wanaagsan oo ku dayasho mudan (Maqaal xiiso leh)

Markii uu billowday dagaal kii u dhexeeyey Suudanta waqooyi iyo tan konfureed ee ay dagaan Suudaaniyiinta aan Muslimka ahayn sanad kii 1983 illaa 2005, ahaana dagaalki 2-aad ugu weynaa Suudaan, oo ay ku naf waayeen 2 Milyan oo ruux, kuna barakaceen 5 milyan oo kale, ugu dambeyna sababay iney Koonfurta Suudan madax bannaani qaadato, 6 sano kadib markuu dhammaaday. Dagaal kaas xilliyadii uu ku jiray wajiyadisii ugu xumaa waxaa dalka isaga cararay carruur wiilal u badan oo xeryo agoon ku jiray, gaarayeyna tira ahaan 20,000, da’ ahaana u dhexeyay 6 illaa 13 jir.
Waxey u qaxeeyn dhanka Itoobiya, muddo bilo ah ayey jid ka kusii jireen, qaar dhex ayey gaajo iyo xannuun ugu dhinteen, ugu dambeyn markey gaareen Itoobiya, dad ka deegaan ka ayey faquuq kala kulmeen, kuwoodii ugu awoodda yaraa Itoobiyaan ka ayaa wabiga Niil si kas ah ugu tuuri jiray, inkastoo ay Xero qaxooti ku jireen, haddana 4 sano oo ay halkaas ku noolaayeen Itoobiya ayuu dagaal ka dhacay, markale ayey usoo firxadeen dhanka Kenya, waxeyna soo gaareen Kaguma, oo ay ugu damebeyn saldhigteen.
Carruurtaas waxaa loo bixiyey ‘Lost Boys”, qaar badan oo ka mida markey xooga soo weynaadeen waxey dib ugu laabteen Suudaan, dagaaladii ayaana loo isticmaalay. Sanad kii 2000 4000 oo ka mida ayaa Mareykan ka loo qaaday, mid ka mida intii Mareykan ka soo gaartay, ayaa dib ula xiriiray hay’adda qaramada midoobey. wuxuuna ka codsaday sawirada iyo magacyada carruurtii soo gaartay Itoobiya, xogtii markuu heleyna wuxuu ka sameeyey Masxaf ay dad ku usoo daawasho tagaan si ay u arkaan ilmahaas yaryar iyo sheekadoodu halkey kasoo billaabatay.
labo ka mida ayaa dib ugu soo laabtay dalka 2011, markii ay xornimada qaadatay koonfurta Suudaan. labadii soo noqotay mid kood wuxuu iskuul ka hirgaliyey meeshii ay ku taallay xeradii agoonimada ee ay ka carareen 28 sano ka hor, wuxuuna si bilaash ah wax barasho ugu suurta galiyey kummanaan carruur agoon ah, kadibna dowladda ayaa u magacawday wasiir ka waxbarashada, kii kalena magaalada Jubba ayuu ka furtay carwo ganacsi, la yiraahdo Lost Boys Mall, oo ay ku xardhanyihiin sawirada carruurnimadoodii.
Sen Abshir Axmad ayaa inagu marti qaaday aniga iyo dhallinyaro kale furitaan ka iskuul uu ka hirgaliyey duleed ka magaalada Cadaado oo ay deggan yihiin qoysas ku barakacay guddaha dalka, carruurta qoysas kaas ayaana wax ku baran doona iskuulka. Carruurtaas waxey la wadaagan ilmihii Koonfurta Suudaan ee aan sheekadooda hordhaca ku sheegay, iney badi agoon yihiin, marka labaad iney isku da’yihiin markii ay kuwaas ka cararayeen Suudaan, marka seddexaad na iney wiilal u badan yihiin ugu dambeyna iney wadaagaan nolosha adag ee xeryaha iyo guri hoy la’aanta.
Hooyo waayeel ah ayaa igu tiri hadalkaan ”Waxaan degganeyn Suuqa Xoolaha dagaalkii Itoobiyaan ku kusoo galeen Muqdisho, ayaan u qaxnay Baydhabo, labadeyda wiil kii weynaa ayaan uga tagnay Xamar, wuuna ku dhintay, markale ayaan Baladweyne u guurnay, haddana kii yaraa ayaa dagaalada ku biiray oo ku geeriyooday, aniga oo haysta labo wiil oo ay kala tageen wiilasheyda dhintay iyo gabadheyda oo iyaduna Labo Carruur ah haysata ayaan usii qaxnay markale Gaalkacyo, gabadhii Yemen ayey u gudubtay oo haddana dagaal ku qabsaday, wayna soo noqotay oo Gaalkacyo ayey igu timid, halkaas ayaan kasoo qaxnay haddana dagaalkii Galmudug iyo Puntland, waa inaga halkaan joogna 4 tii Caruur ahaydna ilmahaan ayey ku jiraan”
Senator Abshir intuu ilmaha la hadlayey ayuu cunug yar kor u qaaday, oo cabbaar kor u siday, markey howshii dhammaatay ayaa lagu yiri ilmayga aad kor u sidday 5 beri ka hor ayuu aabihis geeriyooday, halkaan ayuuna ku duugan yahay, oo weli ooddiisa waa qoyantahay, isaguse ma ogeyn.
Boqolaal ka carruur ah. ee u dhexeeya 7 illaa 13 jir ayuu Abshir waxbarasho u suurta galiyey, u iibiyey dhul, una dhisay, macallimiina u geeyey ee halloo magacaabo wasiir ka waxbarashada ma lihi, oo waxaan ku rejo weynahay in mid ka mida ilmahaas dalkaan wasiir iyo ka weynba ka noqon doono, hadduu alle idmo. laakin waxaan leeyahay ilmahaas halaga war hayo, waxaan ku kalsoonahay iney qaar badan oo ka mida wax noqon doonnaan mustaqbalka, sida iskuulka halku dhigiisa ka muuqata oo ah “Hoggaamiya yaasha berri ayaa halkaan wax ku barta” waxaan kaloo ogahay iney ku noolyihiin nolol adag, laakin ha koraan iyagoo maskaxdooda wax u kordheen.
Abaarta, hoy la’aanta, jirrooyin ka iyo dabeysha haysa way dhammaanayaan, laakin inta kasoo gudubta oo aqoon leh ayaa soo bixi doonta idam ka alle, kuwaas ayaana wax tari doona naftooda, dalka iyo dadkana wax tari doona.
Abshir waxaan leeyahay hadal aan isaga ka maqlay hadda ka hor oo ahaa ‘’Markaad dareento baahidaada oo aad ka fekerto waxaad tahay noole, haddiise ay ku gubto nolosha kuwa kale waxaad tahay insaan, binid-aadan”
Waxaad tahay Bini-aadan damiir ahaan nool ee dalkaan adigoo badan alle ha u soo saaro, siyaasiyi ahaan iyo bulsho kale ahaan ba.

Comments

comments