Gaadiidka AMISOM oo bareer ah ujiiray caasi ay la socdeen dad rakaab ah & khasaare ba’an oo ka dhashay!!

Xassan Sheeq iyo Qaramada Midoowe oo ku hashiiyay Isbuuc waliba in Soomaalida si tijaabo gawaaridda AMISOM lo dar´darsiiyo, arintaas waxaa udaliila siday ugu aamusan yihiin iyaga, waliba kuna jooga Nabad ilaalinta waxay balad iyo Baadiyo ku dilaan Soomaali aan waxba galabsan Halka Xasan uu sidaas ku ixtiraamaayo hadii Madaxdaas lakulmana uu qoortiisa hoos ujeediyo kuna salaamyo Labo gacmood.

Shil fool xun ayaa ka dhacay goor dhoweyd wadada isku xirta magaaladan Muqdisho iyo degmada Afgooye ka dib markii mid ka mid ah gaadiidka Gaashaaman ee ciidamada AMISOM uu jiiray gaari rakaab ah.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in gaariga rakaabka ah oo noociisu ahaa Homey uu ka yimid degmada Afgooye, waxaana xili uu marayey degaanka calamada jiiray gaari ka mid ahaa kolonyo ay wateen ciidamada AMISOM oo ka yimid dhinaca magaalada Muqdisho.

Ugu yaraan shan ruux oo shacab ah ayaa shilkaas ku naf waayey halka 15 kale ay ku dhaawacmeen, iyadoo burbur xoogan uu soo gaaray gaariga rakaabka ahaa.

Ciidamada dowlada iyo masuuliyiin ka tirsan degaanka ayaa goobtaas gaaray, iyadoo dadkii ku dhaawacmay shilkaas iyo meydadkiiba loo soo qaaday magaalada Muqdisho.

Gaadiidka ay leeyihiin ciidamada AMISOM ayaa wadooyinka ku mara xawaare aad u sareeya, iyagoo xitaa aan u aabe u yeelin dad iyo gaadiid wixii ka hor yimaada, mana ahan markii ugu horeysay gaadiidkoodu u si ulakac ah u jiiro gaadiid kale.

Comments

comments