Daawo Sawirro: Nabad Sugida oo soo bandhigtay Lacago Dollar Faalso oo Muqdisho lagu sameenayay!!

Ciidanka Hay’ada Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa xalay howlgal ay ka sameeyeen Degmada Waabari ee gobolka Banaadir waxa ay kusoo qabteen Lix qof oo ku hoolanaa sameynta lacago dollar faalso ah.

Howlgalka ay Ciidanka Nabad sugida ka sameeyeen Degmada Waabari ayey kusoo qabteen lix qof iyo makiinado lagu sameyn jiray lacago Dollar Faalso ah, waxa ay sidoo kale ciidanka soo qabteen lacago Dollar ah oo la sameeyay.

Hal askari oo katirsan ciidanka Nabad sugida qaranka ayaa ku dhintay is rasaaseyn dhacday intii uu howlgalka socday, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay howlgalkaasi hal askari oo kale oo isna katirsanaa ciidanka Nabad sugida.

War kasoo baxay Hay’ada Nabad sugida ayaa lagu sheegay in baaritaano dheeraad ah lagu sameenayo dadkan loo soo qabtay sameynta lacagaha dollarka faalsada ah, waxaana Nabad sugida sheegtay in sharciga la horkeenayo dadkan lasoo qabtay.

falso_1

falso_2

falso_3

falso_4

falso_5

falso_6

Comments

comments