Sawirro: Sirdoonka Turkiga oo gacan kusoo dhigay Danbiile iyo Qaabkii Cajiibka eheed ee loo qabtay Ninkii Dilaaga ahaa!

Laanta Sidoonka dalka Turkiga ayaa waxaa la aas aasay sanadkii 1926-kii , waxaana lagu magacaabaa Milli Istihbarat Teskilati oo marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaan (MIT) .

Milli Istihbarat Teskilati (MIT) ayaa waxa ay ka kooban tahay 6-Hay´adood sida qeeybta howl galada deg deg ah , Dhageysiga Telfoonada Dibada iyo Gudaha , Aqrinta E-mailada iyo Kumbiyiitarada , Amaanka Xarumaha Dowlada , Qeeybta Dhar cada iyo dabagalida dadka laga shakisan yahay ama dambiyada loo heesto .

Siirdoonka dalka Turkiga waa kuwii nolasha ku soo qabtay hogaamiyihii ururka PKK Abdullah Öcalan bishii Febraayo sanadkii 1999-kii xili uu ku dhuumanayay dalka Kenya balse doonayay in uu magangalyo siyaasadeed ama Qaxootinimo iskaga dhiiba Safaaradaha dalalka Giriiga iyo Talyaaniga .

Turkiga oo lagu tiriyo inuu leeyahay wadamo badan oo Cadaw ku ah , aadna u doonaya inay bur burto awooda dhaqaale iyo mida Milatari ee dalka Turkiga ayaa hadane waxaa aad uga war haya arimahaas laamaha Sirdoonka Turkiga kuwaas oo xitaa fashiliyay afgambigii sanadkii hore la la doonayay Madaxweyne Erdogan .

Shacabka dalka Turkiga ayaa waxaa la sheegay inay taageersan yihiin 88% Laanta Sirdoona dalkaas ee Milli Istihbarat Teskilati (MIT) oo fashilisay dhibaatooyin fara badan iyo Qaraxyo ku soo fool lahaa .

Sirdoonka dalka Turkiga ayaa ugu dambeeyntii ku guuleeystay inay nolasha ku soo qabtaan Nin dilaa ahaa oo magaalada Istanbul 39-qofood ku xasuuqay habeenkii sanadka cusub uu soo galayay .

Ninkaan oo mudo 3 Isbuuc ah dhuumaaleysi ku jiray wuxuu doonayay in uu ka baxsado magaalada Istanbul ka dibna tago magaalada Gaziantep ee isla dalka Turkiga taas oo xuduud la leh wadanka Siiriya .

Sirdoonka dalka Turkiga ee Milli Istihbarat Teskilati (MIT) oo Telefoonka ka dhageesaneysay xiriir uu ninkaan la sameeyay kooxda Daacish ayaa balanta waxa ay eheed in uu yimaado xuduuda magaalada Gaziantep si halkaas loogu keeno Paasaboor bug ah oo kooxda Daacish ugu soo dhiibi leheed haweeneey ama qof dumar ah .

siru_4

siru_5

siru_6

siru_7

siru_1

dpatopbilder - HANDOUT - Ein Fahndungsfoto der türkischen Polizei soll den Hauptverdächtigen des Angriffs auf einen Istanbuler Nachtclub am 01.01.2017 zeigen. Bei einem Anschlag in der Nacht zu Sonntag auf eine Silvesterparty im Istanbuler Club Reina waren 39 Menschen getötet und mehr als 60 verletzt worden. Foto: Dha/Depo Photos via ZUMA Wire/dpa +++(c) dpa - Bildfunk+++

dpatopbilder – HANDOUT – Ein Fahndungsfoto der türkischen Polizei soll den Hauptverdächtigen des Angriffs auf einen Istanbuler Nachtclub am 01.01.2017 zeigen. Bei einem Anschlag in der Nacht zu Sonntag auf eine Silvesterparty im Istanbuler Club Reina waren 39 Menschen getötet und mehr als 60 verletzt worden. Foto: Dha/Depo Photos via ZUMA Wire/dpa +++(c) dpa – Bildfunk+++

siru_3

Comments

comments