Yaa wax boo way? ALAHAYOW SIDII ROON.!!!

Waxaan Maanta lacag la’aanta ka jirta Magaalada kala sheekaystay Sarkaal ka tirsan Ciidanka Milatariga Soomaaliya, dhibaatada guud ka sokow, waxaan waydiiyey Ciidanka Xoogga iyo Xaaladooda? Sarkaalkii waxa uu yiri.

“Ciidanka aan ka tirsanahay 7 bilood Mushaar ma qaadan, waxaan ku Xisaabtami jirney 7 kiilo oo Raashin ah oo aan Xaafadaha u qaadan jirney, 7 kiilo oo Garaam ahaan naloogu Karin jirey iyo 24 dolar Bil walba”.

Waa uu sii hadlay oo waxa uu yiri. “Labadii Bilood ee la soo dhaafay waxaan wayney Garaankii yaraa ee aan Xaaafadaha gaynsan jirney oo 7-bada kiilo ahaa, Hadda markii la doortay Gudoonka Barlamaanka ayaan helnay Hal Bil Gunadii aan Raasjin ahaan u qaadan jirney”.

Waxaan waydiiyey waxa ay ku noolayeen Ciidanka uu ka tirsan tahay labadii bilood ee la soo dhaafay?. Waxa uu yiri. “Garaamkii la Karin jirey waxaa dayn ku soo qaadayey Sarkaalka qaabilsan arintaas, laakiin waxa aan wayney ka sokow Mushaarkeeni ee aan ilaa iyo hadda Dowladda ku leenahay waa 7-dii kiilo ee aan Reeraha u gaynsan jirney”.

Gebagebadii waxa aan waydiiyey, Sarkaalkii dhowaan lagu diley Xarunta Madaxtooyada ma 24 dolar ayaa loo diley, maadaama la shaaciyey in uu gunno raadsanayey Askarigii wax diley? Waxa uu yiri. “Maya, Ciidanka Madaxtooyada iyaga Bil walba waxay Gunno ahaaan u qaataan 100. Dolar maadaama ay naga shaqo badan yihiin, halka aan inagu u qaadano 24 Dolar.

Gunaanadkii sow xaalku ma aha Alahyow sidii roon!!

by Kowtharmedia

W/Q AbdiNasir Iidle

Comments

comments