Wafdi ka socda Labada Aqal ee Baarlamaanka oo gaaray Magaalada Cadaado iyo Xaaladda oo wali isku cakiran Warbixin!!

Wafdi isugu jira Labada Aqal  Ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Maanta gaaray Magaalada Cadaado oo ah Xarun  KMG u ah Dowlad Goboleedka Galmudug.
Wafdigaan ayaa waxaa Hogaaminayay Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa,waxaana Magaalada Cadaado ay u tageen in ay Xaliyaan Khilaafka ka taagan Magaalada Cadaado ee ka dhashay Go’aankii Baarlamaanka Galmudug ay gaareen.

Wafdiga ayaa la kulmi doona Wasiiradda,Xildhibaanada iyo Odayaasha Reer Galmudug ee Cadaado ku sugan,waxaana ay kala hadli doonaan Sidii Xal looga gaari lahaa Xaaladda ka jirta Magaalada Cadaado.

Odayaasha Magaalada Cadaado ayaa Saakay illaa Maanta sidoo kale waday Dadaalo lagu xalinayo Xiisadda ka jirta Magaalada Cadaado.

Xildhibaanada sheegay inay xilka ka qaadeen Madaxweyne Guuleed ayaa maanta bilaabay in guddigii ay u xilsaareen doorashada Madaxweynaha Galmudug qabashada araajida musharaxiinta Madaxweynaha Galmudug kadib markii ay hore u sheegeen in ay kalsoonida kala laabteen Madaxweyne Cabdikariin Xuseen Guuleed.
Hase yeeshee go’aanka ay gaareen qaar kamid ah xildhibaanada Galmudug ayaa waxaa ka soo horjeestey hogaamiyaasha Madasha Qaran iyo weliba Beesha Caalamka.
Khilaafka arrimaha siyaasada ee Galmudug ayaa sababay in  shalay iskahorimaad hubeysan ku dhex maro magaalada Cadaado ciidamada Booliska iyo kuwa Nabadsugida iyadoo saddex kamid ah ciidamada dagaalamay ay geeriyoodeen halka shan kalana ay ku dhaawacmeen.

Comments

comments