Xildhibaano mooshin cusub ka diyaarinaya madaxweynaha Koofur Galbeed Shariifo Xasan!!

Wararka aan ka heleyno magaalada Baydhabo ee gobolka Baay ayaa sheegaya in xildhibaano ka tirsan baarlamaanka maamulka Koofur Galbeed ay diyaarinayaan mooshin ka dhan ah Shariif Xasan Sheekh  Aadan.

Xildhibaanada baarlamaanka Koofur Galbeed ee wada qorshahaasi ayaa ka badan 80 xildhibaan, sida uu warbaahinta u sheegay xildhibaan Cismaan Maxamed Caato oo baarlamaanka koofur Galbeed kamid ah.

Ujeedada mooshinka cusub ayuu xildhibaanka ku sheegay inay doonayaan in xilka kaga qaadaan madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan.
Xildhibaan Cismaan Maxamed Caato, ayaa sheegay in Shariif Xasan uusan waxba u qaban shacabka ku nool deegaanada Koofur Galbeed labadii sano ee lasoo dhaafay, sida uu hadalka u dhigay.

Gudasho la’aan xilka uu hayo ayay ku eedeynayaan xildhibaanada mooshinka diyaarinaya, waxaana ay sheegeen inay mooshinkaasi gudbin doonaan.

Isbuucyadii lasoo dhaafay waxaa Xilka Madaxwayne laga Qaadi rabay Cabdi kariin Guleed kaas oo Furay Dekadda Hobyo waxaa jiraan Xildhibaano kasoo horjeeday Hore usocodka ee Gaareen Maamulka Galmudug waxayna taas sababtay.

Dhawaan Madaxweynaha Galmudug in xildhibaanada mooshin ee ka gudbiyeen kuna waayay codka kalsoonida xildhibaanada baarlamaanka ee Galmudug waa sida ay sheegeenee.

Comments

comments