Daawo MUUQAAL: Farmaajo oo Muqdisho ka bilaabay Tallaabo aysan hore u qaadin Musharixiinta kale ?

Maxamed C.laahi Farmaajo oo ah Musharax u taagan Xilka Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ka sameeyay Talaabo aysan horey u qaadin Musharixiinta kale ee u taagan Xilka Madaxwaynaha.

Farmaajo, oo ka jawaabaya codsi kaga yimid dhalinyarada UBAXA CAASIMADA ee is xilqaaday, ayaa wuxuu kaalmo maaliyadeed oo mugna leh uu ka geystay sidii wadooyinka caasimada loogu heli lahaa calaamadaha muhiimka ee badbaadada nafta muwaadinka, dabadeedna loo dhireen lahaa.
Inta badan Siyaasada Soomaaliya ayaa u muuqata in Bulshada laga Shaqaysto oo kaliya, Halkii loo shaqeyn lahaa  waxaana dadku sugayaan Hogaanka Cusub ee Xildhibaanadu ay soo doortaan.

Comments

comments