Donald Trump oo maanta xilka Madaxweynaha America kala wareegaya Brack Obama (Daawo Sawirro)>!

Madaxweynaha la doortay ee dalka Mareykanka Donald Trump ayaa maanta si rasmi ah u noqonaya madaxweynaha 45-aad ee Mareykanka.

Donald Trump ayaa xilka kala wareegaya madaxweyne Barack Obama oo muddo sided ah soo ahaa madaxweynaha Maraykanka.

Qiyaastii hal milyan oo ruux ayaa goob joog u noqon doonta munaasabada lagu caleema saarayo laguna dhaarin doono madaxweyne Trump, halka malaayiin ruuxna ay ka daawan doonaan shaashaddaha caalamka.

Xaflad xalay ka dhacday xarunta Lincoln Memorial ee magaaladan Washington oo horudhac u aheyd caleemasaarkiisa, wuxuu Trump ku sheegay inay cimilada maanta noqotay MID XUN ama mid roobeed OO dhaxan iyo qaboowba leh.

Waxa kale oo uu intaasi ku daray, in caalamka oo dhan uu daawan doono waxa maanta ka dhaci doono Mareykanka.

Goobta isha lagu hayn doonaa waa US Capitol oo ah goobta uu Trump sida rasmiga ah ugala wareegi doono Barack Obama madaxtinimada dalka iyo Aqalka Cadba.

Madaxweyne Obama iyo marwada koowaad ayaa Trump la raaci doona kolonyo baabuur ah oo lagu gayn doono US Capital oo xafladda rasmiga ahi ka dhici doonto halkaasoo ay iskugu imaan doonaan xubno ka tirsan Congress-ka , siyaasiyiin iyo taageerayaasha Trump.

Madaxweynihii hore, Bill Clinton, iyo Hillary Clinton oo Trump doorashadii Nofembar dhacday kaga adkaaday ayaa iyagana la filayaa inay ka qayb galaan.

George W Bush iyo afadiisa Laura iyo sidoo kale Jimmy Carter ayaa iyaguna xaqiijiyay inay ka qayb gali doonaa xafladda.

Balse George HW Bush oo dhakhtar ku jira ayaa warqad u soo qoray Trump ugu hambalyaynayo isla markaana uu kaga cudur daaranayo in aanu ka soo qayb geli karin xafladda duruufo caafimaad awgood.

Isku soo baxyo dhawr ah ayaa dhigi doonaa oo qaarna lagu diidanyahay kuwo kalena lagu taageerayo Trump, waxaanay socon doonaan dabayaaqada todobaadkan oo dhan.

Isku soo baxa ugu wayni wuxu noqon doonaa socod ay haweenku ku mari doonaan Washington oo la filayo inay ka qayb galaan 200,000 oo qof 21-ka Janaayo.
jabo6

jabo9

jabo11

Comments

comments