Labo Qarax oo ka dhacay magaalada Jiddah iyo Faah faahino kasoo baxaya!!

Wararka ka imaanaya magaalada Jiddah ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa sheegaya in magaaladaasi saakay ay ka dhaceen qaraxyo kadib markii ciidamada amaanka ay weerareen guri kuyaala magaaladaasi.

Ciidamada la dagaalanka argagaxisada ee Boqortooyada Sacuudiga ayaa la sheegay in ay weerareen iskuna gadaameen guri kuyaala magaalada Jiddah, waxaana gurigasai ku sugnaa rag hubeesan oo ciidamada ay doon doonayeen.

Raga hubeesan ee ku sugnaa guriga la weeraray ayaa iska hor imaad la galay ciidamada amaanka , waxaana ugu dambeyn la sheegay in ragaasi hubeesnaa oo labo nin ahaa ay isku dhax qarxiyeen gurigii ay ku jireen markii ay rasaasta ka dhamaatay.

Dowlada Sacuudiga ayaan wali war kasoo saarin iska hor imaadka iyo qarayada ka dhacay magaalada Jiddah, ciidamada amaanka ayaana wada howlgalo balaaran oo ka dhan ah kooxaha loogu yeero argagaxisada.

Comments

comments