Qarax ka dhacay Agagaarka Shaleemo Soomaaliya!!

Gaari lagu Soo xiray Waxyaabaha Qarxa ayaa Maanta ku Qarxay Agagaarka Wadada Shaqaalaha ee Magaalada Muqdisho,gaar ahaan Dhabarka dambe ee Shaleemo Soomaaliya.
Gaariga ayaa la sheegay inuu Qarxay kadib markii Ninkii waday uu ka degay,mana jirto wax Khasaaro ah oo ka dhashay.
Wararka ayaa sheegaya in Gaariga uu lahaa mid kamid ah Shaqaalaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo Magaciisa lagu sheegay Afrax,kaasi oo ka Badbaaday Qaraxa.
Ciidamada Ammaanka ayaa wada Baaritaano ay ku raadineyaan Ciddii ka dambeysay Qaraxa.

Comments

comments