Xiliga la magacaabayo guddiga doorashada Madaxweynaha Somalia oo la shaaciyey!!

Guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Sh. Cismaan (Jawaari) ayaa maanta xafiiskiisa magaaladda Muqdisho waxaa uu ku qaabilay guddoonka Aqalka sare ee dalka ayagoo ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa wada shaqaynta labada Aqal.

Guddoonka baarlamanka federaalka Soomaaliya oo la isku yiraahdo guddoonka golaha shacabka iyo aqalka sare ayaa kulankoodu maanta waxay isku afgarteen in maalinta beri ah kulanka baarlamaanka lagu dhiso guddiga qabanqaabada doorashadda madaxweynaha Soomaaliya.

Waxaa Guddigan uu ka shaqeyn doonaan doorashadda madaxweynaha hanaanka ay u dhacayso iyo ku dhawaaqida xiliga rasmiga ah ee la qabanayo doorashadda madaxweynaha.

Doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa marar badan dib u dhacday sababo la xiriira doorashooyinka xubnaha labada aqal ee baarlamanka oo qaatay waqti fara badan.

Qaar ka mid ah musharaxiinta u taagan doorashada madaxweynaha ayaa marar badan cabasho ka muujiyey dib u dhacyada ku imanayey doorashada madaxweynaha iyagoo dalbanayey in la dedejiyo.

Comments

comments