DAAWO MUUQAAL: Go’aano kasoo baxay kulankii Labada Aqal ee Soomaaliya ay yeesheen!!

Waxaa maanta magaalada Muqdisho kulan ku yeeshay Xildhibaanada labada Aqal ee dalka iyadoona diirada la saaray arimaha Doorashada Madaxwaynaha Soomaaliya.

Kulanka kadib ayaa waxaa kasoo baxay Lixda Qodob oo ay isla meel dhigeen Xildhibaanada Labada Aqal, Sidoo kalana waxay ku dhowaaqi doonaan Gudiga doorashooyinka.
1- Waxay isku raaceen in tirade guddiga doorashada madaxweynaha ay noqoto 16 mudane , oo ay 6 ka imanayso Aqalka sare .
2- Waxay isku raaceen in lacagta musharixiinta madaxweyne laga qaadayo kala bar , lagu caawiyo dadka iyo gobolada ay abaaruhu saameeyeen.
3- Waxay isku raaceen in Guddiga doorashooyinka Heerfederaal ay goob joog ka noqdaan doorashada Madaxweynaha dalka.
4- Waxay isku raaceen in ciidamada gacanta ku haynaya amaanka doorashada madaxweynaha ay ka amar qaataan Gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya.
5- Waxay isku raaceen in lasameeyo Guddi madax banaan oo shaqadiisu tahay ka hortaga musuq maasuqa doorashada.
6- Waxay isku raaceen in Musharixiinta Madaxweynaha u tartamaya loo sameeyo doodo iyo su’aalo weydiin furan.

MUUQAALKA HALKAAN HOOSE KADAAWO

Comments

comments