Golaha wasiirada oo kulan deg deg ah ka yeelanaya abaaraha ka jira gobolada iyo Markab mucaawano kuso Wajahan Berbara!!

Golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta lagu wada inay kulan ka yeeshaan abaaraha ka jira qaar kamid ah goboladda dalka Soomaaliya.

Abaaro daran oo sameeyay dadka iyo xoolaha ayaa ka jira deegaanada Galmudug, Somaliland iyo Puntland, waxaana hadda bilowday gurmad loo sameynayo dadka abaaraha ay saameeyeen.

Sidoo kale qaar kamid ah gobolada koofurta Soomaaliya ayaa laga soo sheegayaa inay ka jirto abaar dadka saameeyay.
Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Maxamed Cumar Carte, ayaa sheegay in kulanka golaha wasiirada lagu gaari doono go’aamo deg deg ah oo la xiriira abaaraha Dalka Soomaaliya sanadkaan ka jira.

Ummada Soomaaliyeed ayuu sheegay iney xiligan u baahan yihiin badbaadin deg deg ah.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka, wuxuu sidoo kale sheegay in beesha caalamka dhankooda ay dhaqaalo ugu deeqeen dadka abaaraha ay saameeyeen.

Qaramada Midoobay ayaa dadka abaaraha la il daran ugu deeqday 16 milyan, sida uu sheegay Maxamed Cumar Carte.

waxaa kale uu sheegay in dhawaan Markab sida Mucaawano laga soo qaaday mid ka mid ah dalalka Carabta in uu ku soo wajahan yahay Dekadda Berbara wuxuuna sheegay in uu Markabkaas yahay kii ugu horeeyay ee ah baaqa Dowlada Soomaaliya kasoo jawabo.

Muuqaal ku saabsan ka hortaga Abaaraha oo aan wadno halkaan hoose Kadaawo muuqaal Gaaban

Comments

comments