MUUQAAL: Sheekh Shariif oo Waraysi Xiiso badan Bixiyey “4-tii sano dib ayaa loo noqday, Aniga ayaa la idooranayaa” Daawo!

Madaxwaynihii Hore ee Soomaaliya sheekh Shariif Sh. Axmed oo ah Musharax u taagan Xilka madaxwaynaha Soomaaliya ayaa Waraysi Xiiso badan waxaa la yeeshay Universal TV, Wuxuuna ka hadlay go’aankii uu Qaatay Markii looga guulaystay Doorashada 2012.

Shariif ayaa ka hadlay Safarkii uu dalka uga baxaday Debediisa mudadii 4-tii Sano ahayd,  Wuxuuna sheegay inuu Jeclaysto inuu dalka ka fogaado, si aan wax eedayn ah loogu Raacin.
Wuxuu Sheegay in Hanaankii Dawladnimo Halkii uu uga tagay, uu dib uga Laabtay, isagoo tusaale usoo qaatay Dilalka masuuliyiinta dawlada iyo Kala xidhnaanta Muqdisho ee Xiligan.

Sheekh Shariif Wuxuu kahadlay waxa lagu Xulan doono Isaga, waxyaabihii uu soo qabtay, iyo Hadalkii dhowaan ku sheegay inuu isagu yahay madaxwaynaha soo socda ee Soomaaliya.

Comments

comments