War Deg Deg ah oo ku saabsan Xiliga ay dhaceyso doorashada Madaxweynaha Soomaaliya oo la shaaciyey (Akhriso) !!

Guddiga Qaban-qaabada Doorashada Madaxweynaha ee shalay la magacaabay ayaa ku dhawaaqay maanta xilliga la qabanayo Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya hogaamin doona afarta sano ee soo socota.

Doorashadaan Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhaceysa 8-da February sida ay Maanta sheegeen Guddiga Qaban qaabada Doorashadaas.

Guddoomyaha Guddiga Doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa loo doortay Xildhibaan C/raxmaan Ducaale Beyle oo ahaa wasiirkii hore ee arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya.

Guddoomiye ku-xigeenka guddiga ayaa waxa loo doortay Cabdullaahi Shiikh Ismaaciil Fartaag, halka xoghayaha guddiga loo magacaabay xildhibaan Maryan Axmed Haaruun.

Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhowr jeer oo hore dib u dhacday, mudadaan waxii ka horeya waxaa soconaaya isku diiwaan gelinta qabashada xilka doorasho kuwaas oo kusaab san musharaxiinta u taagan.

do

Comments

comments