MUUQAAL: Barnaamij Xiiso leh oo lagu soo bandhigay Danaha ay Soomaliya ka Leeyihiin Dalalka ku haya Faragelintu!!

Soomaaliya ayaa Xiligan isku Diyaarinaysa Doorashada Madaxwaynaha Soomaaliya, waxaana Halkan Idiinku soo Gudbinaynaa Barnaamij Diirada lagu saaray Saamaynta Faragelinta Shisheeye ee Doorashooyinka Iyadoo Qaramada Midoobay, Midowga Yurub iyo Midowga Afrika ay si toos ah ugu Jiraan Faragelinta Soomaaliya, kuwaasi oo Dawladda ka Caawiya Arimo ay kamid yihiin Dhaqaalaha, Siyaasadda iyo Ciidanka.

Sidoo kale Barnaamijka Xogta Daahsoon ee ka baxa Tv-ga Soomaaliya Cable ayaa Diirada lagu saaray Danaha ay Soomaaliya ka leeyihiin Wadamada Ingiriiska, Itoobiya, Sweden, Kenya, Turkiga, Maraykanka Iyo Imaaraadka Carabta oo ka mid ah Wadamada doonaya in Hogaanka soomaaliya Qabto Qof ay hagaan adeegsadaan inuu hookaanta u qaban kara, Iyadoo Wadamadan danahooda gaarka ahna yihiin kuwa kala duwan caawinnaada la muujiya.
Barnaamijka ayaa waxaa ka qayb galay Am. Maxamed Xuseen Awliyo iyo Cabdi Cumar oo Falanqeeya Arimaha Siyaasadda, waxaana Soo jeedinaya Wariye Maxamed Maxamuud Dhoore.

Comments

comments