Turkiga oo kordhinayo Xajmiga ganacsiga xariir uu la leeyahay dalka Mozambiqwe!!

Madaxweynaha Turkiga Rajab Dayib Erdogaan  ayaa sheegay inuu dalkiisu ku horumarin doono  iskaashig dhinaca Ganacsiga ah ee uu la leeyahay dalka Mozambiqwe gaarsiin doonana ilaa 500 milyan oo Dollar.

Wuxuuna sheegay in xajmiga Ganacsiga ee Turkiga iyo Mozambiqwe Sanadkii tagay ee 2016-kii oo dhamaa $ 103 milyan, haatana la gaarsiin doono $ 500 milyan.
Rajab Dayib Erdogaan ayaa hadalkan ka sheegay shir Jara’id oo ay si wada jir ah  ugu qaabteen Caasimadda Mozambiqwe ee Maputo dhigiisa dalkaasi, isagoo ku jira booqasho uu ku marayo  dhawr dal oo ka tirsan wadamada Bariga Afrika, horayna u soo maray dalka Tanzania.

Madaxweynaha Turkiga  Rajab Dayib Erdogaan, wuxuu kaloo shirkiisaasi Jara’id ku sheegay  inuu dalka Mozambiqwe ka saacidi doono dhinaca horumarinta Tamarta iyadoo safarkiisa ayna ku wehliyaan 150 wakiilo oo ka kala socoday  qeybaha kala duwan ee kaabayaasha dhaqaalaha dalka Turkiga kuwaa oo wada hadallo  la yeelan doonaan Ganacsatada dalka  Mozambiqwe.

Comments

comments