Daawo Sawirada: Xukuno kala duwan oo lagu riday Dhalinyardii Gabadha yar ku kufsaday Galdogob!!

Maxkamad kutaala Degmada Galdogob ee gobolka Mudug ayaa xukuno kala duwan oo isugu jira xabsi iyo karbaash waxa ay ku riday shan dhalinyaro ah oo lagu helay in ay kufsadeen gabar 16-sano jir ah kadibna Muuqaal ay ka duubeen ku baahiyay baraha Internetka.

Goobta uu Xukunka ka dhacayay waxaa ku sugnaa xubno ka tirsan golaha wasiirada Puntland sida wasiirka haweenka iyo arrimaha qoyska Aniso Xaaji Muumin, wasiirka cadaaladda iyo arrimaha diinta Saalax Xabiib Jaamac iyo taliyaha ciidanka booliska Puntland Jenaraal Cabdiqaadir Shire Faarax Ereg.

Waxaa sidoo kale goobta xukunka ka dhacayay ku sugnaa Ehelada dhalinyardaa xukunka lagu ridayay iyo Ehelada gabadha la kufsaday, waxaa sidoo kale gobta xukunka ka dhacayay ku sugnaa dad badan oo Deegaanka ah kuwaas dhoortay in xukunka lagu ridi doono dhalinyaradan.

Maxkamada Galdob ayaa sidan xukunka ugu riday Dhalinyarada Kufsiga geesatay

1–Shirwac Jamaac Juunle 200 oo jeedal, 10 sano oo xarig ah iyo ganaax lacageed.

2-Yaasir Maahir Xaashi, 200 oo jeedal, 8 sano oo xarig ah iyo ganaax lacageed.

3-Ayaanle Wale, 100 jeedal, 7 sano oo xarig ah iyo ganaax lacageed.

4-Yaxye Awkax, 100 jeedal, 6 sano oo xarig ah iyo ganaax lacageed.

5-Cabdirisaaq Xoosh Jibriil, 100 jeedal, 5 sano oo xarig ah iyo ganaax lacageed.

Amaanka halka xukunka uu ka dhacayay ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana la geeyay ciidamo badan oo katirsan booliiska Puntland, Xukunka lagu rifdayay dhalinyaradan ayaana ahaa kuwa si weyn loo hadal hayay loona sugayay.

Kufsi Putland (3)

Kufsi Putland (1)

Kufsi Putland (2)

Comments

comments