Muxamed Farah oo walaac iyo calaacal ka muujiyay Amarka Madaxweyne Donald Trump!!

Orodyahanka afarta jeer billada dahabka u qaaday Britain, Múxamed Farah, ayaa dhaliilay go’aanka madaxweyne Donald Trump uu Maraykanka uga mamnuucaya dadka asal ahaan kasoo jeedda todobo dal oo Muslim ah.

Muxamed Farah ayaa sheegay in aanu hubin in uu ku laaban karo Maraykanka, halkaasi oo muddo lixa sano ah ay xaas iyo carruur u degan yihiin gobolka Oregon ee dalkaasi.

“Waxaan aad uga xumahay in aan carruurteyda u sheego in aabahood ay suuragal tahay in uu u tegi waayo,” ayuu yiri Muxamed Farah oo farriin soo dhigay bartiisa Facebook.

Waxa uu ku tilmaamay siyaasadda Trump mid khaldan oo naceyb abuureysa.
Amarka Trump ayaa muddo 90 maalmood ah Maraykanka ka mamnuucay muwaadhiniinta dalalka Iran, Ciraq, Liibiya, Soomaaliya, Sudan, Suuriya iyo Yemen.

Xannibaadaasi ayaa sidoo kale saamayneysa dadka asal ahaan kasoo jeeda dalalkaasi, isla markaana haysta baasaboor dal labaad.

Comments

comments