Xasan Shiiq oo sameeyay doola tus Farxad galiyay Caado… Itoobiya iyo Imaaraadka oo kasoo shaqaysay sidatan + Sawirro!!

Dhoola tus kaan oo u eg in Musharaxiinta ee ka gubbatay lacagta 30 kun ee dhiibeenteen waxaana loo muujiyay in codka Madaxweyne la siin doona Xasan shiiq oo awel suuq madaw ku soo dhisay Dad badan oo u Eg Xildhibaano.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ahna Musharax u taagan mar kale qabashada xilka Madaxweynaha ayaa xalay kulan casho u sameeyayin ka badan 100 Xildhibaan oo ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya, iyadoo kulankan ahaa mid dhoolatus ah oo uu ku muujinayay cududiisa iyo taageerada uu ka heysto Xildhibaanada.
Kulankan ayaa waxaa ka dhex muuqday taageerayaashii Shariif Xasan ee horay codka u siiyay C/rashiid Xidig oo horaantii bishan looga guuleystay doorashadii Guddoomiyaha Baarlamaanka.
Senator C/llaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo ka mid ahaa Mudanayaashii ka hadlay ayaa sheegay in illaa 190 Xildhibaan oo xalay fadhisay kulanka ay muujiyeen taageerada Musharax Xasan Sheekh, isla markaana ay kalsoonidooda siiyeen.
C/rashiid Maxamed Xidig oo isna ka hadlay kulanka ayaa sheegay inay muhiim tahay in howlihii qabyada ahaa la dhameystiro, isla markaana codkooda ay siinayaan Madaxweyne Xasan Sheekh.
“Hadii meel kale la aado dib u noqosho ayay noqonee, howlihii qabyada ahaa in la dhameystiro, inaan codkeena siino Madaxweyne Xasan Sheekh, sababta aan ku siineyno waa howlahaas marayay meelo la yaqaano inay sii socdaan oo aanay dib u noqon”ayuu yiri C/rashiid Xidig.
Sidoo kale Xildhibaanadii ka hadlay kulanka ayaa waxaa ka mid ahaa Sheekh Aadan Madoobe, Muuse Suudi Yalaxow, Maxamed Cumar Dhalxa iyo kuwa kale, kuwaasoo muujiyay taageerada ay u hayaan Madaxweyne Xasan Sheekh.
Kulanka ayaa waxaa goob joog ka ahaa Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed iyo Madaxweyne kuxigeenka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen.
Xildhibaanadaan ayaa badankooda waxaa laga soo iibsaday 4 maamul oo kala ah Somaliland, Jubba, Galmudug,Hiirshabeele iyo Koofrur Galbeed. inay Xildhibaana badan ee Xásn Shiiq Taageeraan waxaa kazoo Shaqeeyay Dowlada Naceb inay Soomaaliya soo dhisato Dowlad Madax banana inta qarsoon waa Gooni laakiin Dowladaha muuqda waa Labo oo ah Imaaraadka Iyo Itoobiya.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaba gabadii ka hadlay kulanka ayaa ka mahad celiyay taageerada iyo kalsoonida ay siiyeen Xildhibaanada labada Aqal, isagoo xusay in kalsoonida ay siiyeen ay noqon doonto mid lagula xisaabtamo, howlihii la soo bilaabay uu dhameystiro.
Dhoolatuskan ayaa ahaa kii ugu ballaarnaa ee Musharax Xasan Sheekh ku soo bandhigo Xildhibaanada taageersan, waxaana muuqata in Xildhibaanada taageersanaa Shariif Xasan ay badankood haatan taageero u muujiyeen Madaxweynaha.
8-da Bisha Febraayo ayaa qorshuhu yahay inay dhacdo doorashada Madaxweynaha, waxaana xilka Madaxweynaha ku tartamaya illaa 24 Musharax.

Xildhiibanada 2017 oo ah Caado qaatayaal (4)

Xildhiibanada 2017 oo ah Caado qaatayaal (5)

Xildhiibanada 2017 oo ah Caado qaatayaal (6)

Xildhiibanada 2017 oo ah Caado qaatayaal (7)

Xildhiibanada 2017 oo ah Caado qaatayaal (8)

Xildhiibanada 2017 oo ah Caado qaatayaal (1)

Xildhiibanada 2017 oo ah Caado qaatayaal (2)

Xildhiibanada 2017 oo ah Caado qaatayaal (3)

Comments

comments