“ Hadafku waa Barwaaqa & Xoriyad dhameystiran inay helaan Dadkeena ”

Qoraalkii Cilmi barista dallaga oo Kooban.
Assalaamu Caleykum Waraxmatullaah Walaalayaal
Cilmi Baaristii Lagu tijaabinayey Bixitaanka Baradhada, Qamadiga iyo toonta oo Guul ku dhamaatey wajigii koobaad

WAR BIXIN KOOBAN
Soomaaliya waxaa dhulbeereeda kuhaboon Beerasho siddeed milyan iyo bar oo hektaar (8.5 million hector) dherarka xeebteedu waa 3333km, waxa kuduugaan Macda aan Weli Lala Soo Bixin, Shidaaal aan weli lataaban. Taasoo hadii sicilmeyeeysan loosoo Saaro xalin karta dhibaatooyinka Soomaliya heysta ee” Faqriga, Abaaraha, shaqa la, aanta, Amni Daradaba.
Waxaa Laxaqiijiyey in muda gaabaan horumarka dalku kuhirgeli Karo keliya Maalgelin Lasoo Bixida Kheyraadka ayadoo Tilaabo walba Cilmi maaris Lagu saleynayo.
waxaa Cilmi baaris lagu tijaabiyey bixitaanka Baradha, Qamadi iyo toon Ayadoo laga jawaabaya Cunta yarida kajirta dalka Laguna Joojinayo unoglaanshaha abaaraha, fursad maalgshina lagu abuurayo, laguna Darayo Dalagyada Istaraaatiijiyada ee dalku leeyahay sida (Galay, messega, Sisinta, bariis, muuska, igirta, yaanyada, babaayga, lowska, Canbaha. Liinta & bariiska . Ayadoo hadii La Iskaaa kaaashta Hirgelinya aaysan Baasta, Bur, Baradha & Toona aaysan Dibadda Nooga Imaaneeyn
Cilmi baaristaan Lagu Raadinaayo Kordhinta Dalagyada aasaasiga ee dalku leeyahay ayaan Tababar siiney ardada Barata ee Jaamacada Soomaliya ,ardada Barata Beeraha ayadoo uu hormuudka kuliyada beeraha mudane kulane goob jog ka ahaa .
Figure 4 Tababarka Beeridda Dalag Istraatiijiyad ee ugu horeeyey
Maadaama Cilmi baaristii Lasameeyey waagii dowladii dhaxe aanan gacanta lagu heynin sida aan kaxiqiiqsaney wasaaradda beeraaha, Wasiirkii hore wasaaradda beeraaha Ahmed baafo, khubara kale ee beeraha baratay,Sargaal sare ee Hay’adda FOA (Rubby Khan) iyo Heyada SATG (Dr Hussein Ma’ow)
waxaan yoolka la saanrey Sidii Looga mira dhalin lahaa beerashada Dalagada aan noo bixin een dibadda nooga yimaada sida Baasta, Burka, Toonka & zajibiilka.
Habka iyo Goorta abuurka
• Tababarka sida loo beero waxaa uu dhacay Maalin khamiis 06/10/2016 Xorunta jaamacadda Soomaaliya (UNISO)
• Nooca Carada/Ciida waa dhoobeey oo Magaalada Muqdisho Dhaxdeed
• Cimiladu waxaay Udhaxeysey 28-26 daraja hadda
• Biyaha Macaan ee Tuubada ayaaa lagu waraabiyey.
• Lama Isticmaalin daawo ama nafaqa weli.
• Waxaa lagu beerey Jamacad Soomaaliya 08/10/2016 si aay dadku u arkaan Inkasta ooysan Kuhabooneen magaalada Gacanta dadka Kufaraxsan aawgeed
• WAXAAY KAMIRA DHASHAY AFGOOYE OO LAGU GUULEYSTAY ALLE MAHADIIS
Natiijada Baradhadu waxaaa kusoo baxday 12-15 cisho, Qamadiga 3-4 cisho, meesha Toontu aay kusoo baxday 6-8 cisho, ayagoo dhammaan Caafimaad Qabta, Xoogan, Lana Mid ah kuwa kabaxa daafaha adduunka
Waxaa Noo cadaatey In aay Soomaali kabaxayaan dalagyadaan Loona baahanyahay in Cilmi baaris dheeraad lageliya Lana Iska kaashada.
1. Tijaabadan Cilmi baadhistani waxaa Lagu ogaadey In Saameeyn & Xiriir weyn kadhaxeeya, Bixid la,aanta Dalagyada aan kabixin Dalka & Kutiirsanaanta Shisheeye.
2. Wadama Horey Loo Xaqiijiyey Ineeysan kabixin Qamadi sida suudaan ayaa Dib loo xaqiijiyey Ineey Kabaxdey dhoofiyaana. Keliya waxaa Loo baahanyahay Maalgelin sidii Loo tayeen Lahaa Waxa Soo baxa.
3. Soomaliya waxaaay Kamid taahay wadama aay qamadiga sida wanaagsan uga baxdo
4. Waxaanu Ogaaney Mira dhalkastaa oo Cilmi baaris Lagu sameynayo dalka kuna aadan Waxsoo Saarka dalka Ineey Sir Noqdaan, soomalina Ku Ekaata iyo dalalka aan saaxiibaha nahay.
5. Wacyi gelin Kooban Kadib waxaa noo cadaatey In shacabku Beeranayaaan Hadii Lasoo Kordhiya dalagy Kale taasoo Laga Ogaan Karo Meelaha Ugu wanaagsan Dalagyada Mustaqbalka sida Vanilla, baradhada, Toonta , Qamadiga .
Waxaan baaq Udireyaa Wasaaradda beeraha & Ganacsaatada , Kuliyadaha beeraha,Iskaashatad Beeraha, Qurbajoogta, Heeyadaha cilmi barista & Aqoonyahanada dalka, & NGO-yada ineey Ujeedsadaan sare uqaadista wax soo saarka Lana Iska Kaashado sidii Looga Mira dhalin Lahaa Kafaa’ideysiga Dalagyo cusub & tayeeynta kuwii hore Beeraheena 10 jibaar Lahaaba.
Aragti DHERAAD AH
1. CIDII GARAB ISIIN KARTA WAA MUHIIM
2. CIDII GANACSI AHAN DANEYN MACDANTA & KALUUMEYSIGA ILA SOO XIRIIR
GUUL & GOBANIMO INSHA-ALAAH.
W/ Q/ Ustaad Shaafici Yuusuf Cumar
ahna Macalin wax ka dhigga Jaamacada Soomaaliya waxaana kala xariiri kartaan
+252-616-977-129 +252-615-768-281

Ka hor taga abaaraha (9)

barwaaqo

Comments

comments