War Cusub :Daamu Jadiid iyo Itoobiya oo iskaa shanaaya waxay Maanta Qadka Kasaareen Internetka Magaaladda Muqdisho!!

Doodii loo qaban lahaa Musharaxiinta Madaxweyne oo gabi ahaan la joojiyay iyo Sababta keentay oo noqotay kadib markii la joojiyay muuqaalada sida toos ka ah baraha Warbaahinaha looga sii dayn lahaa ay xanibeen DaamJadiid oo ammar ku siisay Shirkaddaha qeebiya Internetka Gobolka Banaadir iyo Gobolo kale oo Dalka waxaana maanta la dhigay bilaa Internet.

waxaana la doonaayay in Dooda ay qabtaan Musharaxiinta kadibna Muuqaaladooda lagu sameeyo jar jarid si looga ilaaliyo Muuqaalada wax udhimi karaayay Daamo jadiid Iyo Itoobiya arintaan xanibaada interneka ayaa Noqoneysa markii ugu horeysay.

Guddiga qaban qaabada Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in gabi ahaan la joojiyay meeshana laga saaray doodii la qorsheeyay in loo qabto Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynha Soomaaliya.

Dooda ayaa maanta qorshuhu ahaa in loo qabto Musharaxiinta isku haya halka kursi ee Madaxweynaha Soomaaliya, hasa ahaatee ka qeyb galka doodaasi ayaa waxaa diiday qaar kamid ah Musharaxiinta oo ka hor yimid in aan toos Telefishinada dhan looga baahineyn doodaas.

Guddoomiyaha Guddiga qaban qaabada doorashada C/rixmaan Ducaale Beyle oo Warbaahinta kula hadlay xarunta golaha shacabka ayaa sheegay in gabi ahaan la joojiyay doodii loo qaban lahaa Musharaxiinta, waxa uuna sabab uga dhigay cilad dhinaca Internetka maanta ku timid, taa uu sheegay in ay suurto gal ka dhigi weysay in dooda si toos ah loo baahiyo.

” Sidaad la socoteen waxaa maanta timid cilad dhinaca Internetka oo suurto gal ka dhigi weysay in Dooda toos loo tabiyo, waxaan u aragnay in hadii aan dib u dhigno Dooda oo la qabto mar kale inay taasi qaldi karto Jadwalka loo go’aamiyay habraaca doorashada, sidaa darteed waxaan joojinay doodii Musharaxiinta loo qaban lahaa.” Ayuu yiri Mr Beyle.

Dhageesiga Khudbadaha Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu wadaa in ay bilaabato 2-da bisha Febaaro oo ku beegan maalinta Khamiist, Khudbadaha ayaana socon doona ilaa 5-ta bisha Febraayo ,iyadoona xiligaa kadib la isku diyaarinayo doorashada Madaxweynaha.

Comments

comments