War jahawareer ah :Magaalada Muqdisho oo manta Internet la,aan ah iyo Shirkadaha Magaalada oo jahwareersan!!

Abaaro Saqdii Dhaxe oo Habeenimo ee Xalay ahayd ayaa la waayay adeegii internetka ee Magaalada Muqdisho iyo guud ahaan dalka Soomaaliya taasoo Jahwareer ku riday dhaq dhaqaaqii ganacsi ee Magaalada Muqdisho iyo guud ahaan ganacsigii Dalka.

Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho iyo Gobolada Soomaaliya ayaa sheegaya in ay saakay ka jirto halkaas Internet la,anta taasi oo sababtay in ay shaqayn waayaan Xawaladihii dalka ka jiray, shirkadihii Isgaarsiinta iyo xata bangiyadii dalka ka Jiray

Wararka ayaa sheegaya in Xawaaladaha magaalada Muqdsiho ay dhooban yihiin macaamiisha kuwaas oo raadinaya lacagahooda, Balse ay Maamulka xawaaladaha ay ku war galiyeen in ay jirto Internet la,anta.

Dhanka kale Mar aan Xiriir la sameenay Qaar kamid ah Shirkadaha bixiya Internetka ayaa noo xaqiijin waayay sababaha keenay manta in dhamaan Magaalada Muqdosho ay ka dhacdo internet la,aan waxayna hadalka ku soo gaba gabeeyen in shaqo laga hayo internetka

Sidoo kale xarumaha Ciidamada Amisom ayaa isticmaala qalab kale oo waxaa la sheegay in xarumaha amisom ay haystaan qadka Internetka.

Lama Oga Sababaha ka danbeeya in Maanta laga Jaro Internetka guud ahaan Magaalada muqdisho iyo Qaar kamid ah Gobalada Dalka Soomaliya waxaana jira warar sheegaya in fibre optico laga helo qadka Internetka ay Cilad ku timid, waxaana la sheegay in lala tacaalaayo Ciladaas.

Wixii Warar ah ee ku Saabsan Internet la,aanta ka jirta Magalaada Muqdisho waxaa ka Bogan doontaan Wararkayaga danbe insha Allah .

Comments

comments