Daawo: Cumar C.rashiid oo Wadaniyad Lasoo baxay, Xilliga Doorashada MUUQAAL!!

Cumar C/rashiid “Dowladaha deriska qaarkood fara gelin ayay ku hayaan Doorashada”

Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke, kana mid ah Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha ayaa shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ugu baaqay dalalka deriska inay fara gelinta ka daayaan doorashada dhowaan ka dhaceysa dalka.

Cumar C/rashiid ayaa sheegay in dalalka deriska qaar ay arrimo amni awgeed uga faa’ideysanayaan, iyagoo u xaglinaya Musharax gaar ah sida uu yiri.

“Maanta waqti xasaasi oo doorasho ayaa lagu jiraa, Baarlamaanka Soomaaliyeed, waa xor, waxaa rajeynayaa inay ka madax banaanaadaan wax alla wixii fara gelin ah, dowladaha deriskana in aysan u go’aamin, waxaa dooneynaa kuwo aayahooda ka taliya.

Cumar C/rashiid oo sii hadlayay ayaa yiri “Waxaa jirta culeysyo runtii ka imaanaya dowladaha deriska, qaarkood, waxaa u sheegayaa inay naga dhaxeyso is qadarin iyo ixtiraam, amnigeeda gacanta nalaga siiyaa, AMISOM ayaa joogta, sideedaba ma ahan in Amniga gacanta nagala siinayo nagala faa’ideysto oo ajande siyaasadeed iyo musharax gaar culeys la saaro iyo in dowlad goboleedyada inay u dheeli tiraan siyaasada musharax gaar ah.

Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid ayaa maalmihii la soo dhaafay hoos u dhac weyn ku yimid ololihiisa, iyadoo la sheegay inuu waayay taageeradii uu ka filayay Imaaraadka Carabta oo ka mid ahaa dalkii aad u daneynayay Musharaxnimadiisa, balse markii dambe Musharax kale u wareegtay.

Dalalka Deriska sida Itoobiya iyo Kenya ayaa saameyn ku leh siyaasada Soomaaliya, iyadoo ciidamo badan ka joogaan.

Cumar ayaana ku dhawaaqin Dadka Shisheeye ee Fara galinta ku haaya Siyaasada Soomaaliya Dowlaha Dariska uu sheeegay ayaa lasheegay inay tahay Itoobiya oo wadata Madaxweyne isku sheega Xasan shiiq oo aan kala jecleyn Dowladnimo iyo Laaluushba.

Comments

comments