KHUDBADDA Maanta MUSHARAX MADAXWEYNE SAKARIYE MAXAMUUD XAAJI CABDI !!

Musharax Zakeriye Maxamuud Xaji Waxaa uu barnaamij´kiisa ugu magaacabay waryaa Soomaali ah?, waxaa uu sheegay Qorshahiiisa in uu sameyn doono haddii uu guulaysto Madaxweyneha Soomaaliya Lamabar kow Sinaan , Cadaalad iyo Kala danbeyn.

Wasiiradiisa waxaa uu sheegay in uu ku soo xuli doono aqoon , karti iyo khibrad isagoo la tashanaya siduu u yiri weye dhinac walba. waxaa uu Sheegay in midnimada Soomaaliyeed oo la raadiyo tahay shaqadiisa ugu horeysa , isagoo sheegay in uu arrintasi ku wajihi doono wada hadalo uu laga lo Dadka ka Orday Cadaala daradda Madaxda Soomaaliyeed Sameeyeen.

Wuxu sheegay in ay jiraan gobolo dhabarka u jeediyay Soomaaliya , iyo kuwo maamulo ka jiraan oo aad moodo in ay dowladda ka awood badanyihin mar mar arintasi in uu wax ka qaban doono, hirgelinta dib u heshiisin Soomaaliyeed iyo abuurista xeerar wada shaqeyn ayuu soo bandhigay.

 ” Waxaan rabaa in dowladda aan madaxweynaha ka noqonayo ay wada hadal la gasho , Somaliland , Ahlusuna iyo ALshabaab wixii ogol waan ku dhiirinaya arrintaasi , caruurteenii Mustaqbalkoodi weye waan dhaqan ceshanaynaa arintaas.

Dowladdaha shisheeye faraha ha naga qaadaan , waxaan ognahay in ay hada loobin wadan nagu dhexjiraan , waxaan doonaynaa in ay faraha nagala baxdaan, hadii ay naga qaadi waayaan dowladd la aanta ayaan ku fiicanahay , taasi ha ogaadaan ha ku talagalaan. ha noo dhaafaan dalkayaga , ha noodhaafaan dadkayga , duulaan kuma nihin, walaahi bayna Soomaaliya u burburin karin,  Dowladdu waa dalka Soomaaliya ayaa iska leh dowladdnimada , waxaan ballan qaadaya dowlad dadkeeda qawsaar u ah , mulkiilaha dabta ahna uu yahay dadka .” Ayuu yidhi.

WAA HALYEEY GEESI DIIRAN AH
MUUQAALKA HALKAAN HOOSE KADAAWO

Comments

comments