Guddiga qaban-qaabada doorashada Madaxweynaha oo ka laabtay go’aan horey uga soo baxay iyaga!!

Guddoomiyaha Guddiga Qaban-qaabadda doorashadda Madaxweynaha, C/raxmaan Ducaale Bayle ayaa sheegay in dib looga laabtay go’aankii ay Guddiga horey ugu joojiyeen Doodihii Murashixiinta Madaxweynaha.

Beyle ayaa tilmaamay in doodaha Murashixiinta dib loo qaban doono maalinta Isniinta ee soo socota, iyadoo si toos ah looga daawan doono teleshinka ku hadla codka dowlada Soomaaliya ee SNTV walli waxaan la ogayn inay arintaan ay suurto gali karto iyo in kale sababtoo ah Shaqsiyaadkii Daraati jaray Internet ka Soomaaliya ayaa wali sameen kara mid lamida tii hore.

Doodan ayaa baaqatay maalmo ka hor ka dib markii musharaxiinta Madaxweynaha ay diideen in la duubo iyagoo ka baqayey in la faafreebo, waxayna dalbadeen in si toos ah looga sii daayo teleshinka Qaranka, hase ahaatee guddiga doorashada ayaa sheegay in dooda aan toos looga sii deyn Karin Tv-ga, internet la’aan maalintaas ka jirtay Soomaaliya awgeed.

Musharaxiinta Madaxweynaha intooda badan ayaa la sheegay iney cadaadis ku saareen guddiga doorashada inuu ka laabto go’aanka ay ku gaareen in dooda la iska joojiyo.

Comments

comments