War Deg Deg ah: Maxkmadda ICJ oo ku gacan seyrtay dalabkii Soomaaliya ee muranka Badda!!

Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda ee fadhigeedu yahay magaalada Hague, ayaa aqbashay diidmada horudhaca ah ee ay Kenya ka keentay dacwadda ay Soomaaliya maxkamaddaasi u gudbisay in kabadan 2 sano ka hor.

Xaakiimka maxkamadda ayaa sheegay in heshiiskii isafgeredka ay labada dhinac kala saxiixdeen sanaddii 2009 uu yahay mid sharci ah marka loo eego sharciayda caalaamiga ah.

Waxa uu ku gacan seyray dalabka Soomaaliya ee ahaa in maxkmaddu ay dhageysato dacwadda ay soo gudbisay.

Sharciyada caalamiga ah marka la eego hogaamiyayaasha dalalka ama wasiirada arrimaha dibedda waxaa loo arkaa inay wakiil u noqon akraan dolwaddooda”, ayuu yiri xaakima.

Soomaaliya aya horay ugu gacan seyrtay soo jeedintii Kenya ee ahayd in heshiiska Is-afgaradka uu yahay mid suurtagelin karta inay labada dal ku heshiiyaan xadeynta badda.

Intii uu dhageysiga socday, waxaa soo baxday in labada dhinac ay si weyn ugu kala aragti duwan yihiin ujeedada laga lahaa Is-afgaradkaasi.

Kenya waxay ku cel-celisay in ujeedada heshiiskaasi uu ahaa in labada dal ay wadaxaajood ka yeeshaan muranka.

Sidaas darteedna dacwaddan ay ka baxsantahay xeer -xeyndaabka maxkamadda maadaama ay maxkamaddu qaado dacwadaha dalalka siyaabo kale ku heshiin waayay.

Qareenada Soomaaliya ayaa haseyeeshee diiday doodaas waxayna xasuusiyeen qareenada Kenya in heshiiskaasi uusan meesha ka saari karin xaquuqda ay Soomaliya u leedahay inay caddaalad ka raadsato maxkamadda.

Waxay sheegeen in hadii la raaco qaabka ay Kenya rabto ay qaadan karto ku dhawaad 20 sano, labada dalna ay dani ugu jirto in si dhakhse leh loo soo afjaro murankan.

Labada dalba waxay sheeganayaan lahaanshaha dhul badeed bedkiisu uu gaarayo 142 kun oo km oo labo jibbaaran, waxayna sidaasi darteed Soomaaliya ka dalbatay maxkamadda inay xadeyso xaduudda badda ee labada dal si waafaqsan xeerarka caalamiga ah.

Comments

comments