Dibed bax weyn oo saaka ka socda Muqdisho iyo Masuuliyiin ka tirsan dowlada oo ka qeyb galaya!!

Dibed bax balaaran ayaa goor dhow ka bilowday taalada daljirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho.

Waxaa ka qeyb galaya dibed baxan shacab fara badan, qeybaha ururada bulshada iyo masuuliyiin ka tirsan dowlada Somalia iyo maamulka gobolka Banaadir.

Waxaa dibad baxan lagu taageerayaa go’aankii shalay ka soo baxay maxkamada caalamiga ah ee ICG taasoo taageertay dalabkii Somalia ee ahaa in maxkamadaas ay gasho dacwada badda ee Somalia iyo Kenya.

Maxkamadda Cadaaladda ee Qaramada Midoobay ayaa go’aan ku gaartay inay dhageysan karto dacwadda ku saabsan muranka badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Xaakimiinta Maxkamadda ayaa u codeeyay kiiska ka dib markii ay ka hadleen sharci ahaanta doodda Soomaaliya iyo diidmada Kenya.

Maxkamadda oo la safatay Soomaaliya waxay meesha ka saartay doodda Kenya ee ah in labada dal ay muranka ku xalliyaan heshiiskii ay horey u wada saxiixdeen.

Hadda kiiska ay Soomaaliya gudbisay ayaa sii socon doono muddo sanado ah, waxayna ugu dambeyn go’aan ka gaari doontaa dalka iskaleh qeybta badda ee lagu muransan yahay.

Comments

comments