Khudbadaha ee jeedinaayeen Musharaxiinta Madaxweynaha oo bilowday si Toos ah u daawo!!

Waxaa goor dhow bilowatay Khudbadaha Musharaxiinta Madaxweynaha ee ay ka hor-jeedinayaan Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya, iyadoo ay maanta oo sabti ah khudbad jeedinayaan qeybtii labaad ee Musharaxiinta Madaxweynaha.

Guddoomiyaha Guddiga doorashada Madaxweynaha C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa magacaabay Musharaxiinta khudbadaha jeedinaya oo ah 7 musharax, kaddib markii uu is casilay Musharaxii 8aad.

Musharax C/naasir Cabdulle Maxamed ayaa bilaabay khudbad soo jeedintiisa, isagoo ka hadlaya barnaamijkiisa siyaasadeed iyo waxyaabaha uu qabanayo haddii la doorto. Haddan waxaa si toos ah khudbad usoo jeedinaaya Faroole.

DAAWO MUUQAALKA Khudbadaha Musharaxiinta kale

Comments

comments