Musharax C/raxmaan C/shakuur oo Qudbad ka hor jeediyay Baarlamaanka!!

Musharax C/raxmaan C/shakuur Warsame oo kamid ah Musharaxiinta Maanta Baarlamaanka Soomaaliya ka Horjeediyay Qudbadda ay uga hadlayaan Wax qabadkooda ayaa sheegay in haddii uu noqdo Madaxweyne uu wax badan ka qabanayo Arrimaha Amniga iyo Hormarinta Siyaasadda Dowladda.
C/raxmaan C/shakuur ayaa sheegay in Soomaaliya uusan Ammaan ka jirin islamarkaana Markii la waayay Ciidan Shaqeeya Wadooyinka Muhiimkaa la dhigay Askar Jiifa oo uu ula jeeday Dhagxaanta iyo Askariga Jiifa ee la dhigay Wadada Hormarta Madaxtooyada Soomaaliya.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in Afartii Sano ee la soo dhaafay ay la dilay 18 Xildhibaan iyo in ka badan Afartan  Sargaal iyo Saxuufiyiin.
Qudbadda C/raxmaan C/shakuur ayaa waxaa kamid ahaa inuu Tayeen doono Baarlamaanka Soomaaliya islamarkaana uu siin doono Xaquuqda ay leeyihiin.
Sidoo kale waxaa Baarlamaanka iyaguna Qudbadd ka jeediyay Dr C/naasir Maxamed Cabdulle iyo C.raxmaan Sheekh Maxamed Faroole

Qudbadahii Ugu ad adkaay manta qaar kamid ah Halkaan Hoose kadaawo

KHUDBADDA MUSHARAX MADAXWEYNE C/RAXMAAN MAXAMED MAXAMUUD FAROOLE

KHUDBADDA MUSHARAX MADAXWEYNE C/NAASIR CABDULLE MAXAMED

Comments

comments