Ololihii ugu xoogganaa habeen iyo maalin oo bilowday, Musharaxiinta oo aan seexan doonin (Warbixin)

Iyadoo labo maalin ay ka harsan tahay doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa soo baxaya olole aad u xooggan oo Musharaxiinta ugu jiraan in loo doorto xilka Madaxweynaha, waxaana la galay xilli mashquul ah oo ay adkaan doonto in musharax walba waqti u helo inuu cunno raashin ama uu seexdo.

Olole habeen iyo maalin isugu mid ah ayaa ka socda magaalada Muqdisho, kaas oo so bilowday xalay, waxaana Musharax walba uu dadaal ugu jiraa, sidii uu u kasban lahaa Xildhibaanada, ugana heli lahaa taageero dhab ah, si maalinta la gaaro doorashada cododkooda u siiyaan.
Waxaa sida adag loo saadalinaya in is bedel ku yimaada hoggaanka dalka ay adkaan doonto, haddii aan la helin isbaheysi iyo galaan gal siyaasadeed oo looga soo horjeedo hogaamiyaha xilligan Xasan Sheekh Maxamud oo dabcan isu diyaariyay inuu mar labaad ku soo laabto xafiiska.

Saadasha aad ayay isugu dhowdahay ,laakiin qiyaas kasta oo la bixiya wax saameyn ah kuma yeelanayso cod bixiyaasha labada aqal maadama ay ku jiraan, siyaasiyiin xil doon ah, xildhibaano lacag doon ah iyo dhalinyaro siyaasadda ku cusub oo meel laga jiro aan ogeyn.
Dabcan inta badan dadka soomaaliyed waxay taageersan yihiin in is bedel ku yimaada hogaanka dalka, hase yeeshe mar haddii guddoonkii Baarlamaankii hore soo wada laabtay, sidoo kalena Xildhibaano hore soo laabteen ma jiri doono isbedel weyn oo laga filan karo hogaanka dalka.

Sidoo kale dad kale ayaa iyana taageersan in Madaxweyne Xasan Sheekh soo laabto, si howlihii socday halkeeda ugu sii socdaan, maadaama Musharaxiinta la tartamaya ay yihiin kuwo horay u soo maray xilka.

Ka soo qaad haddii Sheekh Shariif la doorto, ma aha nin ku cusub dalka, waa nin horey u soo maray Madaxweynenimada, Sidoo kale Cumar C/rashiid labo mar ayuu soo noqday Ra’iisal Wasaare, Farmaajo sidoo kale Ra’iisal Wasaare ayuu ahaan jiray sidaas darteed weji cusub kuma noqon karaan haddii xukunka ku guuleystaan lakiin Itoobiya ayaa sidaas ku wiiqmeysa.

Xildhibaanada labada aqal, laga bilaabo maanta oo isniin ah ilaa iyo subaxnimada Arbacada ah waxay gali doonaan dagaal iyo is jiid jiid siyaasadeed.

Waxaa la bixin doona dhaqaale fara badan, Musharixiinta waxay furi doonaan boorsooyinka afka xirnaa muddooyinkii dambe, si ay u iibsadaan codadka xubnaha labada aqal.

Dadaalka ugu weyn ee Musharaxiinta ayaa ah inay helaan codod badan, si ay ugu soo baxaan wareega labaad, isla markaana waxaa uu nin walba dadaal ugu jiraa inuu noqdo afarta Musharax ee ugu codka badan, kuwaasoo u gudbaya wareega labaad.

Si kastaba saadaasha la bixinayo aad ayay u dhib badan tahay, hase yeeshe wax kasta waxay kala cadaan doonaan marka uu dhamaado wareega koowaad.

Comments

comments