Mid ka mid ah guddoomiye-yaashii ugu caansanaa degmooyinka Muqdisho oo geeriyooday!!

Allaah ha unaxariistee Waxaa caawa ku geeriyooday magaalada Muqdisho gudoomiyihii hore ee degmada Xamar-weyne marxuum C/llaahi Ibraahim Sahal (Gardhuub).

Marxuumka ayaa ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla magaalada Muqdisho oo sida wararku sheegayaan mudooyinkan uu ku xanuusanayey.

C/llaahi Ibraahim Sahal (Gardhuub) ayaa ka mid ah gudoomyeyaashii ugu waqtiga dheeraa ee soo mara maamulka degmada Xamar-weyne, isagoo gudoomiye ka ahaa degmadaas muddo dhowr iyo toban sano ah.

Waxaa xilkaas loo magacaabay xiligii ay jirtay dowladii Madaxweyne C/qaasim Salaad Xasan, wuxuuna xilka ka qaaday labo sano ka hor Gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Mungaab oo isbedel guud ku sameynayey maamulada degmooyinka Muqdisho.

Marxuumka ayaa lagu xusuustaa xiligii uu hayey maamulka degmada Xamar-weyne horuumarkii uu isagu gaarsiiyey oo illaa hadda ka muuqda degmadaas isagoo si weyn ula dagaalami jiray burcada.

Comments

comments