MUUQAAL: Gabdho iyo Wiilal ku Tuman Jiray Guri ku yaala Gaalkacyo oo lasoo Qabtay iyo Xukuno Lagu Riday!

Kalaab lagu Fasahaadiyo Dhalinyaro Soomaaliyeed oo kusoo badanaya Dalka iyo Qeebta Putland oo lagu soo qabtay Dummar iyo Rag is bahaystay.

Maxkamada gobolka Mudug ayaa xukun ku riday 29 qof oo gabdho iyo wiilal ah, Kuwaasi oo laga soo Qabtay Guri ku yaala Gudaha magaalada Gaalkayo oo ay ku Samayn Jireen Dhaqano Aan Haboonayn walow dhaqan xumadaas camal laga Soo sheegaayo Magaalooyinka Soomaaliya Muqdisho, Garoowe, Hargeysa, iyo Boosaaso. kuwaas oo lagu sameeyay Hoteelo lagu tunto laguna isticmaalo Shiisho iyo wax yaabo kale oo ay Shareecada reebeyso, waxayna rabaan in lasoo basaaso kadibna la xer xero sida kuwaan loo soo basaasay iyago tumanaaya lagu so qabtay.

Maxkamada ayaa sheegtay in lagu soo qabtay iyagoo ku jira Tumashada Music iyo Niiko ay si joogta ah ugu samaynayeen Guri uga kiraysnaa Gaalkacyo.
Waxaa la sheegay in Falka ay ku kaceen ay tahay Xumaantii oo loo Banbaxay, Waxaana lagu Xukumay Xabsi Gaadhaya Sadex Bilood, Hal Miliyan oo Ganaax ah iyo in la Bur-buriyo Qalabkooda. “Maaha Sinadu inay tahay dadkii oo isku tagay, Isha, Gacanta, Dhegta Iyo meesha loo socdo oo dhan waa SINNO, “ ayuu lagu yidhi Go’aanka Maxkamada.

Muuqaalka halkaan hoose kadaawo

Comments

comments