War Deg Deg Ah: Mid kamid ah Musharaxiinta Madaxweyne oo goordhaw tanaasulay Waa Kumma?

Musharax Madaxweyne (Samo tar) C/raxmaan Sheekh Maxamed (Faroole) oo horey uga mid ahaa MUsharaxiinta u taagan Xilka Madxaweynaha Soomaaliya aya agoordhaw shaaca ka qaaday in uu ka tanaasulay kana haray tartanka.

Faroole aya ashir jaraa’id uu ku qabtay magaalada Muqdisho kaga dhawaaqay in uu go’aansaday in uu ka tanaasulo Musharaxnimadiisa, waxa uuna ugu baaqay Musharaxiinta kale in iyana qarakood tanasaulana si loo yareeyo tirada badan ee Musharaxiinta.

Waxa uu sheegay Faroole in iskiis u go’aansaday in uu tartanka ka haro, waxa uuna tilmaamay in uu jecleestay in uu fursad siiyo Musharaxiinta kale ee u tartameysa hoganaka dalka si ay isbadakl ula yimaadaan.

Wali si rasmi ah looma oaga sabbata soo dedejisay tanasaulka Musharax C/Raxmaan Faroole, waxaana warar soo baxaya sheegayaa in uu Musharax kale isbaheysi la sameestay Musharax kale oo kamid ah xubnaha ugu cad cad ee doorashada waxaana sidaan oo kale laga filan karaa musharaxiin kale oo badan kuwaas oo aan haysan Cudud cod ee ku meel mari karaan.

Comments

comments