Howlgalkii ka socday Hotelka ku yaalla Boosaaso oo la soo gaba gabeeyay!!

Libaaxa Barre Halyeey Cabdisamad Gallan oo iska Dicaafay Burcad iyo danbiila- yaal loo dirsaday inay soo dilaan Gudoomiyahii Hore ee Magaalada Boosaaso.
Saraakiil ka tirsan Ciidamada Puntland ayaa Warbaahinta Gudah ee Boosaaso ka Howlgasha u sheegay in lagu Guuleystay soo Afjarida Dableeydii Weerarka ku soo qaaday Hotelka International Vallage ee dhaca Koofur Galbeed Magaalada Boosaaso.
Saraakiisha Puntland ayaa sheegay in Labo Dableey ah oo ku Hubeysan Qoryaha Fud fudud ay Weerar ku soo qaadeen Hotelka Village islamarkaana ay Dileen Labo kamid ah Illaalada Hotelka.
Sidoo kale waxaa uu Dagaal ku dhexmaray Hotelka Dableeyda Wax Weerartay iyo Ciidamo Illaalo u ah Guddoomiyihii hore ee Gobolka Bari C/samad Maxamed Gallan oo Degen Hotelka,waxaana halkaas ku dhintay Labo Askari oo kamid ahaa Ilaalada C/samad Gallan.
Saraakiisha waxaa ay intaa ku dareen in Toogasho lagu dilay Labadii Dagaalame ee Weerarka soo qaaday,waxaana hadda loo qaaday sida ay sheegayaan Goob lagu baarayo waxa ay yihiin.
Howlgallo Xoog leh ayaa ka socda Hotelka iyo Agagaarihiisa,waxaana wada Ciidamada Puntland.

Comments

comments