Maxaa kasoo kordhay Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ee goordhaw bilaabaneysa?

Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa bilaabay in ay gaaraan xarunta lagu qabanayo doorashada Madaxweynaha Soomaaliya oo ku dhax taala Xearada Ciidanka Cirka ee Afisiyooni.

Wariyaal kusugan hoolka doorashada ayaa soo sheegaya in Xildhibaano si raxan raxan ah u socda ay soo gaarayaan hoolka doorashada, waxa ayna Xildhibaanada u badan yihiin kuwa iska warqaba oo koox koox u socda kalana taageeraya Musharaxiinta qaar.

Hoolka doorashada ayaa wali aysan soo wada gaarin Xildhibaanada labada Aqal iyo Musharaxiinta Madaxweyne, Xildhibaanada qaar ayaana wali ku maqan xarumaha ay ololaha ka wadaan Musharaxiinta tartameysa.

Musharaxiinta Madxaweyne ayaa badankood wali soo gaarin hoolka doorashada, waxa ayna wadaan dadaaladii ugu dambeeyay ay ku kasbanayaan kalsoonida iyo codka Xildhibaanada ;labada Aqal ee maanta codkooda lagu kala baxayo.

Comments

comments