Qaabkii caawa looga dabaaldegay Muqdisho iyo shacab & ciidanka is dhex galay (Daawo Sawirro)

Daawo Warbixin: Waa Kuma Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Taariikhdiisa!

Dabaaldegyo waaweyn oo lagu soo dhoweyayey doorashada Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa caawa illaa saqdii dhexe ka socday caasimada Somalia magaalada Muqdisho iyo qeybo kale oo dalka ka mid ah.

Rasaas xooggan oo magaalada gees ka gees isqabsatay ayaa hawada loo ridayay taasoo qeyb ka aheyd dabaaldega, iyadoo dadweyne aad u fara badan ay isugu soo baxeen caawa wadooyinka waaweyn ee magaalada.

Dadka isugu soo baxay jidadka oo sida daadkii oo kale u qulqulayey ayaa waxaa wejiyadooda ka muuqata farxad aan qiyaas laheyn iyagoo ku qeylinaya magaca Farmaajo, waxaana aad u kacay xaalada magaalada.

Waxaa sidoo kale la arkayey shacab iyo ciidan is dhexgalay oo si wadajir ah u dabaaldegaya, dadweyne fara baddana ayaana dul fuulayey gaadiidka ciidamada, mana jirin wax kala shaki ah, waxaana dadka tan badisay farxada iyo qiirada heysay xaalada ka dhigtay mid jahwareersan.

WAds_1

ds_2

ds_3

ds_4

ds_5

ds_6

ds_7

ds_8

ds_9

ds_10

ds_11

ds_12

Daawo MUUQAAL Warbixin: Waa Kuma Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Taariikhdiisa

Comments

comments