War Deg Deg Ah : Tirinta Codadka Doorashada oo lasoo gabo gabeeyay (Yaa ku horeeya Codadka)!

Waxaa goordhaw lasoo gabo gabeeyay tirinta codadka wareega koobaad ee doorashada Madaxweynaha Soomaaliya , waxaana codadka ilaa hada la tiriyay inyar ku horeeya Musharax Xasan Sheekh Maxamuud.

Musharax Xasan Sheekh Maxamuud oo hogaaminaya Musharaxinta tartameysa ayaa helay codad gaaraya 90-cod waxaana musharax labaad ee kusoo xiga Farmaajo uu isna helay codad gaaraya 72-cod,

Waxaa inta badan wareega koobaad ku haray Musharaxiintii u taagneed Xilka Madaxweynaha Soomaaliya, waxaana wareega labada usoo baxay una tartami doona afarta Musharax ee ugu codadka badan.

Musharaxiinta ayaa codadka u kala helay sida tan;

1- Xasan Sheekh Maxamuud 88-Cod
2-Maxamed C/llaahi farmaajo 72-cod
3-Shariif Sheekh Axmed 49-Cod
4-Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke 37-cod
5-Jibriil Ibraahim Cabdulle 1-cod
6-C/qaadir Cosoble Cali 25-cod
7-C/raxmaan C/shakuur Warsame 9-cod
8-Saciid C/llaahi Deni 18-cod
9- Cali Xaaji Warsame 3-cod
10-Cabdulahi Cali Axmed (Cadow) 14-cod
11-C/naasir Maxamed Cabdulle 6-cod
12-Xaaji Maxamed Yaasin 2-cod
13-Cabdulahi Cilmooge Xirsi 0-cod
14-Maxamuud Maxamed Culusow 0-cod
15-Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) 2-cod
16-Maxamed Cali Ameeriko 0-cod
17-Saciid Ciise Maxamuud 1-cod
18-Maxamed Axmed Jabarti 1-cod
19-Maxamed Cabdirisaq 0-cod
20-Bashiir Raage Shiiraar 0c
21-Axmed Maxamed Cabdi 0-cod

Waxii Warar ah ee kusoo kordha kala soco Wararkayaga dambe Insha Allah

tooos u daawo

Comments

comments