Taliyaha ciidamada Xoogga dalka oo amray in ciidamada Milatariga Muqdisho ka baxaan!!

Mgaalada Muqdisho oo Shacbiga Soomaaliya iyo Ciidanka Soomaaliya oo lakala garan waayay iyo Xamaasa ee wada qaadeen oo qal qal galisay Amaanka Magaalada Muqdisho

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal Maxamed Aadan Axmed ayaa ku amray in ciidamada Milatariga isaga baxaan magaalada Muqdisho ayna joojiyaan rasaasta ay ridayeen.

Magaalada Muqdisho iyo magaalooyin kale oo ka mid ah dalka Soomaaliya ayaa waxaa xalay illaa iyo maanta ay ka dhacayeen dabaaldegyo lagu taageerayo madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Farmaajo iyadoo ciidamaduna ay rasaas badan ridayeen.
Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in aan loo baahnayn rasaas in la qasaariyo waxana uu sheegay in ciidamo ka mid ah kuwa Milatariga in ay ilaalo u yihiin musharaxiinta ayna tahay in ay dib ugu laabtaan fariisamahooda.
Sidoo kale taliyaha ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay  in taliyeyaasha booliska iyo nabad sugidda ay dacwo kaga timid oo arrintaasi la xiriirta islamarkaana ciidanka Millateriga ay magaalada ka baxaan, isagoo tilmaamay inay ka dalbadeen in shaqada booliska iyo nabad sugidda loo madaxbannaaneeyo.

Comments

comments